Kpenhagen (pp) Saciid Cabdi Samantar Surcad oo ah xildhibaan ka tirsan baarlmaanka cusub ee Puntland ayaa beryahaan waxaa uu safaro wacyigelin ah ku maraayey magaalooyin kala duwan oo ka tirsan dalalka Iskandaneefiyaanka.
Safarka xildhibaanka oo loogu magacdaray Safarkii ”wacyigelinta iyo wax u qabashada dalkii hooyo” Xildhibaanka waxaa uu wacyigelinta iyo la kulanka bulshada soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan ka bilaabay magaalada Stockholm , caasimada dalka Sweden.
Waxaa kaloo uu usii gudbey magaalada Kpenhagen ee dalka Danmark, halkaas oo uu kula kulmay waxgaradka, aqoonyahanka iyo qaybaha kale ee bulshada oo ka kooban jaaliyadaha Puntland, jubaland iyo guud ahaan dadka soomaaliyeed.
Xildhibaan Saciid Surcad ayaa ugu horeyn waxaa uu bulshada uga waramaayey isbedelka siyaasaded ee ka dhacay Puntland iyo waxyaalaha muhiimka ah ee horyaal baarlamaanka iyo xukuumada Puntland. Meel kasta oo uu tago waxaa uu xildhibaanku dadka kula dardaarmaayey iney ugu horeyn dalalka ay ku nool yihiin ka noqdaan kuwo muuqda oo la qadariyo, i
sla markaasna ay dalkoodii hooyo wax u taraan. Qofkastaana waxii uu awoodo kaga qaybqaato horumarka dalkeenii Soomaaliya.
Kulankii xildhibaanka iyo jaaliyadaha soomaaliyeed ee Eskilstuna:-
Haddaba Safarkii ”wacyigelinta iyo wax u qabashada dalkii hooyo” ayaa 15 maarso waxaa uu soo gaaray magaalada Eskilstuna ee dalkan sweden. Magaalada Eskilstuna ayaa soomaalida ku nool waxaa lagu qiyaasaa ilaa kun iyo shanboqol oo ruux.
Waxaana ay u badan yihiin dad dhalinyaro ah iyo qoysas kuwaasoo sanadihii ugu dameeyey yimid dalkan sweden. Xildhibaan saciid surcad ayaa loo sameeyey xaflad soo dhoweyn ah oo aan loo kala harin.
Qabanqaabada xaflada waxaa iska lahaa jaaliyada Puntland ee Eskilstuna balse waxaa kasoo qaybgalay inta badan jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Eskilstuna.
Waxaa kaloo kasoo xaflada kasoo qaybgalay xubno ka socdey jaaliyadaha Puntland ee magaalooyinka deriska la ah Eskilstuna, sida Västrås, Flen iyo Stockholm.
Waxaa xaflada kasoo qaybgalay dad aad looga qadariyo bulshaweynta soomaaliyeed ee Eskilstuna, kuwaasoo ah Aqoonyahano, siyaasiyiin, suxufiyiin, gabayaa iyo culima-udiinka magaalada.
Ugu horeyn waxaa hadalo kooban soo jeediyey aqoonyahanka kala duwan ee degmada Eskilstuna. Waxaana ay dhamaantood soo dhoweyn ka dib ay sheegeen muhiimada ay leedahay in la iskaashado dalkii soomaaliya iyo dadka dibada ku dhaqan. Waxay aad usoo dhoweeyeen howsha xildhibaan saciid surcad ee ah wacyigelinta iyo kala warqaadashada.
Dadkii xaflada ka hadlay lama soo koobi karo balse waxaa ka mid ahaa; Aaden suleymaan, Suldaan Baaruud Saciid Faarax,Cabdulqaadir walaayo, Raxmo xaaji warsame, Aamina jabaan. Dhinaca suugaanta iyo gabayada waxaa daadihinaayey Abwaanada caanka ka ah Eskilstuna, waana abwaan C/fataax cali firdhiye iyo Abwaan maxamed xuseen tabaarak. Waxaa kaloo wacdi gaaban soo jeediyey sheekh ciise xaaji ciise oo ka mid ah culimada Eskilstuna.
Khudbadii xildhibaan saciid Surcad:-
Ugu horeyn xildhibaanka ayaa salaan qiimo leh oo uu ka sido baarlamaanka Puntland u gudbiyey dadweynihii kala duwanaa ee kasoo qaybgalay xaflada. Intaas ka dib waxaa uu xildhibaanku ka waramay heerarkii kala duwanaa ee ay Puntland soo martay iyo isbedeladii bilowgii sanadkaan 2014-ka ka dhacay geyiga Puntland.
Khudbadii xildhibaanka waxaa ka mid ahaa:
Baarlamaanka Puntland: Waa hay`da sharci dejinta iyo iyo la xisaabtanka xukuumada.
Xubnaha baarlamaanka ayaa isugu jira kuwo cusub iyo kuwo horey uga soo mid noqday baarlamaanadii hore ee Puntland.
Dhamaan xubnaha baarlamaanku waa kuwo doonaaya in geyiga puntland iyo guud ahaan soomaaliya uu ku talaabsado horumar iyo xukun wanaag.
Xukuumada Puntland: Madaxweynaha Puntland Prof cabdiweli maxamed cali gaas waxaa uu aad isugu dayey inuu xukuumada yareeyo kana dhigo mid kooban.
Balse duruufo jira awgeed iyo qaabka xukun qaybsaiga gobolada puntland awgeed waxaa la dhisay xukuumad ka badan intii markii hore la doonaayey balse ka yar xukuumadihii horey u jirey.
Guud ahaan xukuumadu waa mid tayo iyo aqoon wanaagsan leh oo kasoo bixi karta howsha oo dhiibey.
Baarlamaankuna waxaa uu si dhow ula socon doonaa hadba sida ay xukuumadu howsheeda u qabsato.
Xiriirka iyo dowrka jaaliyadaha Dibada ku dhaqan: Jaaliyadaha ku dhaqan wadamada dibadu waxaa ay kaalin muuqda ka qaadan karaan horumarka ka socda Puntland iyo guud ahaan soomaaliya.
Waxaa muhiim ah ugu horeyn inaad dalkii tagtaan oo aad soo eegtaan oo aad usoo kuur gashaan xaalada ka jirta.
Taasi waxaa ay idiin sahleysaa inaad qaadataan cabiraad wanaagsan oo hadhow saldhig u noqon karta hadba qorshaha aad damacsan tihiin inaad dalka ka fulisaan. Haddii qofku aanu dalkii tegin oo aanu wax xiriir ah lalahayn waxaa uu noqonayaa mid ka fog dalkii oo aan ku dhiiran inuu maalgashado.
Dowlada cusub ee Puntland iyo Baarlamaankuba waxaa ay dhiiri gelinayaan in qurbajoogta reer Puntland lala yeesho xiriir joogto ah lagana faa.iideysto aqoontooda, khibradooda iyo dadaalkoodaba. Puntland waa deegaan qani ah, ayna ka jirto nabadgelyo buuxda sidaas darteed waxaa la doonayaa in maalingelin lagu sameeyo kheyraadka kala duwan.
Dowlada iyo baarlmaankuna aad bey usoo dhoweynayaan una dhiiri gelinayaan cid walba oo dooneysa iney Puntland ku samayso maalgelin.
Dardaaran:
Ugu horeyn waxaa aad iyo aad muhiim u ah qurbojoogtu noqdaan kuwo ka dhex muuqda bulshada , sharaf iyo karaamona ku leh bulshooyinka ay ku dhex nool yihiin.
Waxaa muhiim ah in dhalainyaradu wax bartaan oo aay wakhtigooda iyo maskaxdaba ku maalgeliyaan tacliinta.
Waalidka waxaa laga doonayaa iney dhalaanka ku garabsiiyaan tacliinta.
Waxaa kaloo muhiim ah inaan ilaashano dhaqankeena wanaagsan iyo diinteena oo aynaan noqon kuwo dhaqan ahaan ku dhex milma bulshada aynu la noolnahay.
Waa in laga qaybgalaa siyaasada , dhaqaalaha, iyo arimaha kale ee bulshada ee ka jira wadamadaan aad ku nooshihiin.
Waa in aqoonyahanka iyo xirfadlayaasha reer Puntland ay yimaadaan dalkii si wax ugu faa.iideeyaan dadka ku dhaqan gudaha.
Qofkii macalin ah oo dalka yimaada oo muddo bil ka qaybqaata tacliinta iyo waxbarashada waxaa uu soo kordhin karaa wax aad u weyn.
Qofkii dhakhtar ah ama kalkaaliye caafimaad ee bil ka shaqeeya cisbitaal waxaa uu soo kordhiyey wax weyn. Qofkii ku fiican farsamada gacanta ee dalkii yimaada e
e horumarka ka qaybqaata isagoo tababaro fidinaaya waxaa uu soo kordhiyey wax wey.
Xildhibaanku waxaa uu ugu damayn dadka kula dardaarmay iney iskaashadaan oo ay midoobaan. Gacmo wadajir bey wax ku gooyaan ayuu hadalkiisa kusoo xiray Xildhibaanku.
Waxaa Diyaariyey
Macalin c/risaq Mahamed Xuseen & daahir saciid Muuse
Eskilstuna. sweden