Garowe(pp) Wasiirka wasaradda waxbarashada Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame iyo ku xigeenkiisa Dr.Maxamed Cali Faarax ayaa maanta shir kula qaatay shaqalaha xarunta dhexe ee wasaradda waxbarashada.
Ahmiyadda kulanka ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa shaqadda wasaradda iyo in la ilaaliyo xiliga lasoo galayo lagana baxayo shaqadda.
Dood dheer ka dib madaxda wasaradda iyo shaqalaha waxay isku raaceen in shaqada lasoo galo todobada iyo barka subaxnimo lagana baxo kowda iyo barka duhurnimo si howlaha kala duwan ee dadka loo hayo la dardar galiyo.
Wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa shaqalaha ku booriyay inay muujiyeen dadaal iyo howlkarnimo culus maadama ay sugayso howlo faro badan oo la doonayo in lagu guulaysto,waxa uu sidoo kale sheegay Cali Xaaji in shaqalaha tababaro dalka iyo dibadiisa ah loo raadinayo balse la doonayo in masuuliyad la muujiyo.
Cali Xaaji ayaa shirka ka dhex xusay in dhamaadka bishaan la qaban doono Olale balaaran oo lagu xoojinayo Akhrista iyo qorista,maadama ay 27-ka ku beegan tahay maalinta qorista iyo akhrista afkeena hooyo ee Soomaaliya.
Wasaradda waxbarashada Puntland ayaa barnaamijkaan oo miyi iyo magaalo laga xusi doono hoggaaminaysa sida uu sheegay Cali Xaaji Warsame.
Wasaradda waxbarashada Puntland ayaa ka mid ah meelaha sida aadka ah looga ammaano beesha caalamka iyo dalalka dariska la ah Somalia,maadama ay tahay meesha kaliya ee dalka ugu hormarsan dhanka waxbarashada.
Sawirradda waxaa nasoo gaarsiiyay iyo xogta Deeq Maxamed Warsame oo ka tirsan wasaradda waxbarashada.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe