Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynaha Puntland oo tagay Saldhigyada & Xabsiga Bosaso

$
0
0

Bosaso(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo maalinkii shalay socdaal ku tagay magalada Bosaso ayaa maanta bilaabay booqasho kala duwan oo uu xarumo dowlada ku samaynayo.

kkkMeelaha uu booqday Gaas waxaa ka mid ah Saldhigyadda ciidanka ee magalada ku dhexyaala iyo waliba xabsiga wayn dhamaan waxa uu la kulmay madaxda xarumahaasi iyo waliba sida ay howshu u socota.

Madaxwaynaha Puntland ayaa balan qaaday inuu wax badan ka qaban doono baahiyo ka jira deegaanada Puntland wuxuna sheegay inuu ka dhabayn doono balanqaayadii uu doorashada ku galay 8-da Janaayo.

Taliyaha ciidanka Difaaca Puntland Gen.Siciid Dheera.Taliyaha ciidanka Booliska Gen.Jaqanaf.Wasiiradda arimaha gudaha iyo Amniga ayaa ku weheliya kormeerka Gaas ee Saldhigyada iyo Xabsiga Bosaso.

Goor dhow sawirro iyo faah faahin naga suga.

Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>