Bosaso(pp) Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta markii ugu horaysay socdaal ku tagay saldhigyadda ciidanka,xabsiga iyo goobo ay degan yihiin dadka danyarta ah ee magalada Bosaso.
Madaxwaynaha ayaa dhamaan booqashadii kusoo dhameeyay si guul ah wuxuna sheegay inay ka go’an tahay sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha iyo daruufta ay dadka Puntland ku sugan yihiin.
Afhayeenka madaxtooyadda Puntland mudane Cabdilaahi Quraanjecel oo war
fidiyeenada uga war dhiibay socdaalka madaxwaynaha ee maanta ayaa tilmaamay inuu qayb ka yahay socdaal uu gobaladda Puntland Gaas ku marayo.
Sidoo kale madaxwaynaha ayaa lagu wadaa maalinta barito ah inuu socdaal ku tago dekadda iyo garoonka diyaaradaha magalada Bosaso oo ka mid ah goobaha ay dhaqaalaha Puntland kasoo xaroodaan.
Hoos ka dhegeyso codka
Cabdinaasir Daacad.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaaso