Bosaso(pp) Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Mudane Shire Xaaji Faarax ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magalada Carmo oo ka tirsan gobalka Bari.
Mamulka degmada Carmo iyo dadwayne aad u faro badan oo calanka Puntland iyo Sawirkiisa wata ayaa duleedka kaga hortagay wafdiga uu horkacyay Shire Xaaji Faarax waxayna ku dhawaaqayeen kalmado kala duwan oo soo dhawayn ah.
Wasiirka Maaliyadda ayaa marka uu soo gaaray dadkii soo dhawayntiisa ka qayb galay ayaa muujiyay dareen farxadeed isagoona lug la dhex qaaday wadada dadkii soo dhaweeyay ,waxana la geeyay goob loogu talo galay inuu ku nasto isaga iyo masuuliyiinta la socda.
Qaar ka mid ah dadkii soo dhaweeyay Shire Xaaji Faarax oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imaanshaha wasiirka Maaliyadda waxayna sidoo kale dadku usoo jeediyeen wasiirka cabasho ay ka muujiyeen socdaalkii madaxwaynaha ee Shalay.
Shire Xaaji ayaa marka hore ka mahad celiyay qaabka wanaagsan ee degmada Carmo loogu soo dhaweeyay wuxuna sheegay inuu shacabka ka raali galinayo khaladkii shalay dhacay ee ku saabsanaa socdaalka Gaas,wuxuna tilmaamay madaxwaynaha socdaalkiisa labaad inuu ku hakan doono magalada Carmo.
Waxa uu ku eedeeyay falkii shalay dad aan rabin midnimadda iyo isbadalka ka dhacay Puntland .
”waxaan idiin sheegay in madaxawayanah Arintaasi marnaba uu san ku talagalin diyaarna u ahayn in shacabka Puntland ama magaalooyinka Puntland uu kala qaybiyo ,reer Carmo waxaan ka raaligalinayaa marka koowaad iyo mar labaad Arintii shalay , waxaana Arintaasi ka danbeeyay dad aanan jeclayn hormarka iyo isbadalka dhacay ”
Hoos Ka dhaawo Khudbadii wasiirka Maaliyada Ujeediyay Shacabka Carmo
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso