Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Waa sidee xaalada Baydhabo oo maanta banaanbax Shariif Xasan lagu diidan yahay uu ka dhacay

$
0
0

Baydhabo(pp) Xaalada ammaan ee magalada Baydhabo ayaa caawa si wayn loo adkeeyay ka dib markii maanta wafdi xildhibaano ah oo uu hoggaaminayo Shariif Xasan Shiikh Aadan lagu mudaharaaday.

Bannaanbax_Baydhabo_1Dad taageersan mamulka lixda gobal ee Madoobe Nuunow iyo kuwo kale oo taabacsan siyaasada Xildhibaan Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa la sheegayaa inay maanta isku hor imaad aan wax khasaaro keenin ku dhexmaray magalada Baydhabo.

Dadka Nuunow taageersan ayaa diiday inuu magalada Baydhabo soo galo Shariif Xasan oo la rumaysan yahay inuu wax ka wado dhismaha mamulka saddexda gobal ee Baydhabo ka socda,mudo ka dib iska hor imaadkaasi ayaa istaagay ka dib markii saraakiil AMISOM ka tirsan ay u yeereen masuuliyiinta mamulka lixda gobal oo diidan kan kale ee saddexda gobal ka kooban oo wali lagu dhisayo Baydhabo.

Wararka laga helayo magalada Baydhabo ayaa sheegaya dhamaadka bishaan in lagu dhawaaqi doono madaxda mamulka saddexda gobal ka kooban oo ka hor imaanaya mamulka Madoobe Nuunow oo lagu sheegay inuu ka hor yimi nidaamka dalka iyo dastuurka.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>