Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiir ku xigeenka Cadaalada Puntland oo kormeeray xabsiga magalada Bosaso(Sawirro)

$
0
0

Bosaso(pp) Socdaalka wasiir ku xigeenka Cadaalada iyo diinta Puntland uu ku tagay xabsiga wayn ee magalada Bosaso ayaa ka mid ah shaqooyinka loo igmaday wuxuna la kulmay qaar ka mid ah maxaabiista ku xiran oo ay qaarkood daruus iyo xirfado kala duwan bartay.

1Xabsiga ayaa ka mid ah meelaha dadka maxbuuska ah dhaqan celin iyo toosin loogu sameeyo iyadoona ay badan kood ka waan toobaan markii ay waqtigooda dhamaystaan falalkii ay horay u samayn jiraan.

Maxamed Faarax Aadan oo ah wasiir ku xigeenka wasaradda Cadaalada Puntland ayaa maxaabiista Xabsiga ku xiran u muujiyay dareen farxadeed wuuna mid mid uga waraystay nolasha ay ku haystaan xabsiga iyo sida ay wax u bartaan,qaarkood waxay ka codsadeen in cafis loo fidsho.

Muuqaalka laga soo duubay xabsiga ayaa muujinaya inuu yahay mid nadiifsan oo maxaabiista ku xiran ay yihiin kuwo hela xaquuqda ay ku lee yihiin dowladda.

War bixin ayuu ka dhagaystay wasiir ku xigeenku masuuliyiinta xabsiga taasoo tilmaamay qaabka shaqo ee xabsiga iyo sida maxaabiista loola dhaqmo.

Xabsiga Bosaso ayaa ka mid ah meelaha inta badan dadka lagu xiro maadama uu yahay kan ugu wayn ee hadda Puntland ka shaqeeya in kastoo xabsi casriyga laga dhisay magalada Garowe xarunta Puntland.

Dhowaan madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa socdaal qorsoon ku tagay xabsi ku yaala kaantaroolka koonfureed ee magalada Garowe halkaasoo dadka qaarkood lagu xiro.

2 3 4 5 6 7 8 9 10

Puntlandpost.com
Xafiisak Bosaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>