Macmiilka ugu miisaanka culus uguna magaca dheer dadka Mobilada Black Berry isticmaala Madaxweyne Barack Obama ayaa la sheegayaa inuu go’aansaday macsalaamaynta Shirkadda uu ku xirnaa ee Blackberry oo uu dhowr iyo tobankii sano ee ina dhaafay isticmaalayey.
Madaxweyne Barack Obama ayaa horey u jabiyey xeerkii u yaalay aqalka cad kaddib markii uu 2008-kii sheegay inuusan ka maarmin Blackberry-giisa, arrinkaasoo aqalka cad ee Maraykanka ka dhalisay muran iyo doodo badan, ugu danbayntiina loo oggolaatay inuu madaxweynuhu haysto Mobile ay si gooniya ugu samaysay Shirkadda Blackberry oo wata adeeg joogto ah oo 24/7 sugaya nabedgelyada sirta madaxweynaha.
Sida ay sheegayaan xubnaha technology-ga u qaabilsan aqalka cad waxaa socota tijaabo uu Maamulka Obama ku samaynayo Mobile dhowr ah oo ay soo kala saareen Shirkadaha LG iyo Samsung, kuna shaqaynaya nidaamka Android ee uu Google leeyahay.
Inkastoo uu Obama yahay shakhsi jecel teknoolajiga iyo casriyeynta, haddana waxay dad badani aaminsanyihiin inuu yahay Mr Larry Page oo ah madaxa Shirkadda Google saaxiibna la ah Obama yahay shakhsiga madaxweynaha ku dirqinaya inuu ka war doono Android oo ah systemka ay ku shaqeeyaan in ka badan 70% Smartphoneska adduunka laga isticmaalo.
Khubarada teknoolajiga ee Aqalka Cad ma aysan sheegin wax tillaabo ah oo uu Maamulka Obama ku damacsanyahay ka war doonidda dhanka Iphoonnada, waxayse shirkadda ugu qaalisan adduunka ee Apple ku niyadsantahay inuu Obama haatan haysto IPAD, halka qaar ka mida qoyskiisuna haystaan Iphone-nno.
Ka wareegidda madaxweynaha Maraykanka ee Shirkadda Blackberry ayaa ka dhigan dhaawicii ugu xumaa oo soo gaara company-ga Canadian-ka ah, iyadoo dhowrkii sano ee ina soo dhaafay uusan companygu wax faa’iido ah samaynayn ee uu sannad walba luminayey lacag saa’id ah.
Bishar Abdi
Seattle, WA. US.
Facebook.com/bishaarcc
bishaarcc@gmail.com