Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Puntland oo ka hor timi in Qaxootiga Soomaaliyeed ee Norwey la keeno Puntland (Warbixin)

$
0
0

Garowe(pp) Shirka gollaha wasiiradda Puntland oo maanta qabsoomay ayaa waxaa looga hadlay qodob tilmaamaya Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Wadanka Norwey kaasoo dowladda Norwey ay codsi usoo dirtay Puntland.

55555555555555555Shirka ayaa looga hadlay sida laga yeelayo codsiga ka yimi dowladda Norwey ee ku saabsan in Puntland lagu soo celiyo dadka Soomaaliyeed ee Qaxooti ahaanta u jooga gudaha wadankaasi balse wasiiradda iyo madaxwaynaha Puntland ayaa isku raacay inaysan xiligaan munaasib ahayn in Puntland la keeno Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee magan-galyo ahaanta u jooga Norwey.

Wixii ka danbeeyay burburkii dalka ka dhacay waxaa soo badanayay walaaca laga muujinayo Qaxootiga Soomaalida ah ,waxana ka mid ah dalalka doonaya inay Soomaalida dib dalkooda ugus oo celiyaan Dalka Kenya oo marti galiyay kumanan kun oo Qaxooti ah.

Waa markii ugu horaysay oo ay Puntland ka hadasha arrintaan isla markasna ay sheegtay inaysan hadda diyaar u ahayn inay qaabisho muwaadiniin Soomaaliyeed oo qaab tarxiil ah looga soo celiyo Dalka Norwey.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>