Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynaha Puntland oo xilka ka qaaday agaasimihii ciidanka badda Puntland

$
0
0

Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaaraya Puntlandpost ayaa sheegaya in madaxwayne Cabdiwali Maxmaed Cali (Gaas) uu xilkii ka qaaday taliyihii ciidanka badda Dowladda Puntland ee (PMPF) Mudane Maxmaed Cabdiraxmaan Farole.
298x198xmaxamed-faroole.jpg.pagespeed.ic.8ueP8kK70r

Wararka ayaa sheegaya in Gaas uu xilkaasi u magacaabay  Cabdinaasir Biixi Soofe oo ka mid aha ragga sida aadka ah ay iskugu dhow yihiin.

Ciidanka badda Puntland ayaa la aasasay 2010-kii waxaana xiligaasi hindisay madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo sheegay inay muhiim tahay helitaanka ciidan tababaran oo la dagaalama kooxda burcad badeedka.

Maxamed Cabdiraxmaan oo ah wiilka Madaxwaynihii hore ee Puntland Faroole ayaa xilkaasi loo magacaabay wuxuuna mudadii uu hayay uu qabtay shaqooyin faro badan oo ay ka mid tahay sidii ciidanka badda loogu raadin lahaa tababaro tayo leh iyo dhaqaalo ku filan, la dagaalanka burcad baddeeda badda iyo bariga iyo soo badbaadinta bad-maaxayaal burcad badeed ay ku haysteen xeebta Jariiban ee Gobalka Mudug.

Ciidanka PMPF ayaa ka qayb qaatay sugida amniga shirarkii Garowe 1 iyo 2  iyo waliba doorashadii madaxwayne ee sanadkan bilowgiisii Garowe ka dhacday.

Xil ka qaadista lagu sameeyay Maxamed Cabdiraxmaan Farole ayaa kusoo aadaysa xili Madaxwaynaha Puntland uu xilka ka qaaday gudoomiyihii Gobalka Nugaal iyo taliyihii ciidanka booliska Gobalka Bari.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles