Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudoomiyaha Gobalka Mudug oo ka war bixiyay isbaarooyin laga qaaday degmooyin ka tirsan Mudug

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa sheegay inay wadaan dadaalo kala duwan oo lagu qaadayo isbaarooyin yaala inta badan degmooyinka Gobalka Mudug kuwaasoo caqabad ku noqday isku socodka ganacsiga iyo gaadiidka.

Tigay iyo wafdi wasiiro ah oo shalay gaaray magalada Gaalkacyo ayaa soo maray deegaano Gobalka ka tirsan waxayna u guur galeenn xaaladaha kala duwan ee ammaan iyo isbaarooyinka yaala wuxuna sheegay inay go’aan ku gaareen in la qaado isbaarooyin yaala Cagaaran iyo deegaano kale oo gabalka ka tirsan.

Madaxwaynaha Puntland ayaa lagu wadaa inuu gaaro maalmahan soo socda magalada Gaalkacyo oo ammaankeeda si wayn loo adkeeyay.

Mudug ayaa ka mid ah gobaladda ugu muhiim san ee Somalia maadama ay ku taalo Gaalkacyo goob gobalada dalka u siman.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>