Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Muqdisho: Dhibaa Jira. Talo iyo Tusaale. By Mohamed Odowa

$
0
0

Wuxuu ahaa dhibane. Waxaa ku dhacay rasaas ka timid mid ka mid ah mooryaan huwanaa magaca ciidan dawlo. Wuxuu ahaa kirish-booy la socday baabuur hoomey ah ,(mini-bus conductor) Gaarigu wuxuu waday Muus wuxuuna ku sii jeeday xamar. Waxaa lagu galay maalin cad wadada u dhaxeysa Afgooye iyo xamar gaar ahaan carbiska dhamaadka Bishii la soo dhaafay ee Maarso.

Darawalkii gaariga madaxa ayaa xabad looga dhuftay wuuna u dhintay. Waxaa loo dilay Baad Awgeed. Dhaawaca kirish-booyga waxaan kula kulmey meel ka mid ah wadooyinka Mogadishu isagoo dhiigbaxaya waayo ma uusan heysan qaraabo kaalmeysa wuxuuna ka soo jeeday Beelaha la quursado ee Soomaaliyeed.

Dhibaatadani ma aha hal dhacdo oo kaliya ee waa ka joogto wadadaas. Guud ahaan gobolka Shabeellada hoose ma aha mid ay xaaladiisu fadhiso, siyaasad ahaan iyo amni ahaanba. In muddo ahna xal wali looma helin. Laakin waxa qalbi-jabka leh waxaa weeye in inta u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho ay noqoto gurri dhimasho, dhaawac, baad iyo boob loogu geysto shacabka musaafurka ah iyo gadiidka ay la socdaan.

Inkastoo Tuug ama mooryaan uusan xumaantiisa wakiil ugu aheyn qabiilka uu ka soo jeedo, misna markaad u fiirsato dhibaatada halkaasi ka jirta goobaha ay ka dhacaan waxaa ka jira ganacsi iyo nolol caadi u socda, mooryaanta wadadaasi dhibaatada u taagana ma dhacaan inta badan dadka deegaanka ee halkaasi ku nool. Waxey wataan dharka lagu yaqaano ciidanka milatariga Soomaaliiyeed, (military uniform)

Waxaa iqaaday oo igu qasbay fariintaan waa in dadka degan ceelasha biyaha iyo waliba inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ay yihiin kuwa aan ku abtirsado ehel ahaan. Maxaa diiday inaad kacdaan oo aad hubka qaadataan oo aad laysaan mooryaanta isbaarada u dhigta Taako, Taako waliba bartamaha laamiga gurriyihiina hormara, xitaa haddii ay yihiin wiilasheena?

Meeyay odeyaashii deegaanadaasi? Meeyay dhalinyaradii deegnadaasi?

- Soo ceeb ma aha in la yiraahdo in ka badan 20 isbaaro ayaa la dhigtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye?

Ma waqtiga iyo wacyiga ayaan wali iska bedelin sidii hore?

Dowladda.

Masuuliyadda koowaad waxay saaran-tahay madaxda dowladda federaalka ah. Haddii wax ka yar 30-kiloomitir meel u jirta xaafiisyadiina ay dhibaatada intaas la eg ka dhaceyso, maxaa kale oo la hagaajin?

Waa in dowladdu ku baraarugtaa dhibaatada jirta iyo tan laga yaabo inay timaado mustaqablka. Waa in la helaa ciidan gaar ah oo kaliya shaqadoodu tahay bur-burinta isbaaro sharci darro ah, (Anti-illegal roadblocks unit)

Waa in dowlddu abaabushaa bulshooyinka ku nool meelaha dhibaatooyinka nuucaas oo kale ah ka jiraan amase ay ka dhici karaan mustqablka dhaw iyo kan dheer.

Waa in aan la daawan mida hadda taagan. Waa in aan hiil iyo hoy la siin mooryaanta. Abaalkoodu waa in uu noqdaa dil iyo cinqaab adag. Looma baahna hadal badan ee waa in la arkaa ficil muuqda.

Mohamed Odowa

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>