Gaalkacyo(pp) Suxufiyiinta Gobolka Mudug ayaa shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Maanta oo ay taariikhdu tahay 06/April/2014, waxay kaga arinsadeen Xeerka Saxaafada lagu caburinayo ee ay wadaan shakhsiyaad aan matalin Suxufiyiinta Soomaaliyeed iyagoo garab ka helaya Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Federaalka Soomaaliya.
WariyeSuxufiyiinta oo kulankooda maanta isugu yimid waxay si adag u cambaareeyeen Guddiga uu magacaabay Wasiirka Warfaafinta Dawladda Federaalka Soomaaliya, Guddigaasi oo ah kuwa aan matalin Saxaafadda Soomaaliya islamarkaana aan ahayn dhex dhexaad, waxaana Wariyaashu isku raaceen in Guddigaasi uusan marnaba matali Karin Wariyaasha Soomaaliyeed. Wariyaasha Gobolka Mudug ee fadhigooda maanta isugu yimid waxay sheegeen in ay ka soo horjeedaan Tallaabooyinka khaldan ee saxaafada lagu caburinayo islamarkaana aysan qaadan doonin tallaabo kasta oo xoriyada looga qaadayo suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku shaqeynaya duruufta adag.
Suxufiyiinta fadhiga isugu yimid waxay isla qaateen oo ay qalinka ku duugeen in ay cambaareeyaan Xeerka caburinta saxaafada ee ay iska kaashanayaan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo Guddiga aan dhex dhexaadka ahayn ee ay Wasaaraddu u magacaabatay in saxaafada xoriyada laga qaado. Suxufiyiinta Bayaanka ku saxiixan waxaa ka mid ah.
Puntlandpost.com