Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22938

Agaasimaha la-dagalanka Burcad badeeda Puntland oo Cambaareeyay falkii lagu dilay labo sarkaal oo Ajanabi ah

$
0
0

Garowe(pp) Agaasimaha guud ee la-dagalanka burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) ayaa canbeereeyay dilkii maanta Gaalkacyo loogu gaystay labo sarkaal oo ka tirsan Hay’adda UNODC oo Puntland u yimi arrimo shaqo.

Ducaysane oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu ka xun yahay falkaasi oo run ahaantii dadku ka argagaxeen wuxuna tilmaamay labada Sarkaal ee la dilay inay u socdeen miraha kasoo baxay shir sanadkii hore Garowe lagu qabtay oo looga hadlayay sidii nidaam loogu samayn lahaa xawaaladaha gudaha iyo kuwa dibada ee lacagta dira si looga hortago lacagaha Burcad badeeda.

Agaasimaha ayaa sidoo kale tilmaamay inay labo maalmood sii joogi lahaayeen magalada Gaalkacyo wixii ka danbeeyana ay Garowe iyo Bosaso kula shir lahaayeen madaxda Xawaaladaha iyo waasradda Maaliyadda.

Wuu ka gaabsatay Ducaysane inuu faah faahin ka bixiyo sababta rasmiga ah ee ka danbaysay dilka labadaasi masuul.

Madaxwaynaha dowladda Puntland oo Gaalkacyo gaaray ayaa durbadiiba tagay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo halkaasoo uu kulan kula qaatay madaxda mamulka Gobalka iyo kan Gaalkacyo.

Waa markii ugu horaysay oo saraakiil sar sare lagu dilo Puntland tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas).

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22938

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>