(Bosaso Pp)Kulan lagu daah furaayay shirkad cusub oo lagu magacaabo Home & Office Cleaners yaaa lagu qabtay Xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshahada puntland ee Boosaaso waxaan ka soo qabgalay munaasabada daah furka shirkadaan ,madaxda Rugta Gansiga iyo warshadaha ee puntland , Madaxda ka socotay ,Shirkadaha iyo hotelada kuyaalo Bosao , Madaxdashirkada Home and Office Cleaners oo ah shirkad ka shaqeyneysa Nadaafada Xafiisyada iyo Guryaha oo ah shirkadii ugu horeysay Nooceeda ah oo bosaso Laga Hirgeliyo
Gudoomiyaha rugta Gancsiga Iyo Warshadaha ee Puntland Siciid xuseen Ciid Oo ugu Horeen daaf duray kulanka ayaa sheegay in ey aad usoodhwayanayaa shirkadan cusub ee ka shaqayn doonta nadiifinta guryaha iyo xafiisyada oo sida uu sheegay gudoomiyaha biihi wayn uqabeen shacabka puntland ,waxaan uu ugu baaqay gudoomiyah ganacsatada iyo bulshaduba in ey la shaqeeyaan shirkada cusub
Aamiin Axmed oo kamid madaxda shirkada Ayaa sikooban usharaxay shirkadan iyo waxyaabah ey qaban doonto bulshada shirkadan ,waxaan uu tilaamay in shirkadaa ey udiyaarisay bulshada shaqaalo aqoon ulah wax yaabaha ka laduwan ee loo isticmaalo howlaha nadaafada ku waasi oo bulshada uqabnoo baahi kasto oo nadaafadeed sida nadiifinta hotelada ,xafiisyada iyo waliba goobaha ganacsiga
Aamino Cumar Maxamuud oo ah gudoomiyaha shirkadaan Ahna aasaasaha shirkadaan oo munaasabada daah furka ka hadashay Ayaa ka warbixisay wax yaabaha ku dhaliyay asaaska shirkadaaan ,waxayna tilaamamtay in ey ku dhalatay kadib markii ey aragtay baahida ey shacabka uqabaan
“Waxa uu fikirkaan igu dhashay kadib mudo sanad iyo bar ah oo aan dalka joogay markaan arkay meelha ey dadka isugu yimaadaan ,isbitaalada ,goobaha wax barashada ,shirkada iyo hoteelada oo uqabo adeegan baahi wayn sidaad darteed waxaan ku fikaray in aan dadkayga ka caawiyo waxa aan ka caawin ” sidaasi waxaa yiri Aamino Cumar Maxamuud
Kulankan Waxaa Goobjoog ka ahaa Rag iyo Haween uu Companyg-ga Home and Office Clearners u tababary inay ka shaqeeyaan Howlaha Nadaafada Tababarna la soo siiyay, qaar kamid oo dhankooda madasha ka halay ayaa a yaa soobandhigay wax yaabaha la baray a
Xubnihii Ganacstada kulankan Joogtay ayaa Ka hadlay Baahida loo Qabay Xafiiskan Aamino Maxamed Axmed Xaaji Kheyr , Faarax Adeec , Faarax Xaaji Mire iyo Yaasiin Xaaji C/laahi oo ka kala socday shirkadaha iyo hoteelada bosaso ayaa si iskumid ah usoodhaweeyay shirkadan cusub ee ka shaqayndoonta nadiifinta guryaha iyo xafiisyada ,waxyana tilaameen in ey sigaar ah ula shaqayn doonaa shirkadan baahi wayan uqabeen
Xafiiska Bosaso
Cabdi Nasir Daacad