Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Nugaal oo xilka la wareegay maanta (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Munaasibad uu xilka kula wareegayo Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Nugaal ayaa maanta lagu qabtay xarunta Gobalka ee magalada Garowe.

Waxaa kasoo qayb galay munaasibadaasi wasiiro,Isimo,waxgarad,Haween,dhalinyaro iyo siyaasiyiin kale.waxana inta ay xafladu socotay laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo diiradda lagu saarayay sida looga baahan yahay mamulka cusub inuu hormarka Gobalka iyo Ammaankiisa ka shaqeeyo.

Gudoomiyihii hore ee Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa ka hadlay waxyaabihii uu qabtay tan iyo mudadii uu xilka Gudoomiyaha ahaa,wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay shacabka Gobalka inay la shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub ayna dhinac istaagaan.

Inkastoo munaasibada laga soo jeediyay khudbado soogin iyo soo dhawayn ah,hadana Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ahaa Isimadii kulanka lagu casumay ayaa sheegay Gudoomiyaha cusub ee Gobalka inay ayid san yihiin isla markasna laga rabo waxqabad muuqda,wuxuna ugu duceeyay inuu alle la garab gallo xilka culus ee loo wakiishay.

Gudoomiyaha cusub ee xilka la waregay Cabdiqani Xaashi Cali Ciise ayaa balan qaaday inuu xooga saari doono ammaanka,hormarka Gobalka isku xirka dhalinyaradda iyo ka shaqaynta danaha dadwaynaha Gobalka Nugaal wuxuna sheegay inay ka go’an tahay sidii shacabka Gobalka Cadaalad loogu addeegi lahaa.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha Cabdilaahi Qoobdeero ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo magacaabay Gudoomiyaha cusub wuxuna tilmaamay shacabka Gobalka Nugal iany ka sugayaan waxqabad muuqda iyo howlkarnimo.

Wasiirka Shaqada shaqaalaha iyo dhalinyaradda Puntland ayaa dhankiisa sheegay inay la shaqayn doonaan gudoomiyaha cusub ee Gobalka Nugaal.

IMG_0004 IMG_0007 IMG_0012 IMG_0016 IMG_0031 IMG_0040 IMG_0042 IMG_0044 IMG_9898 IMG_9904 IMG_9908 IMG_9909 IMG_9911 IMG_9914 IMG_9915 IMG_9916 IMG_9919 IMG_9920 IMG_9923 IMG_9924 IMG_9928 IMG_9931 IMG_9934 IMG_9935 IMG_9937 IMG_9938 IMG_9940 IMG_9946 IMG_9949 IMG_9950 IMG_9951 IMG_9954 IMG_9959 IMG_9960 IMG_9963 IMG_9970 IMG_9972 IMG_9975 IMG_9976 IMG_9980 IMG_9982 IMG_9991 IMG_9994

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>