Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Abuukar Cawaale: WIXII DHIIG LAHOOW KACA !

$
0
0

Waa Mudaharaadyo bal-balaaran oo gilgili doona wadamada reer galbeedka ah loogana soo horjeedo tacadiga, dhaca,boobka ,iyo jirdilyada loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed eek u dhaqan dalka Kenya siiba magaalada Nairobi.

abukarWaxaanu ka argagaxsanahay oo diidnay inuu damiirkayagu udulqaato dulinimada askarta Kenya oo sida foosha xun ula dhaqmaya shacabka Soomaaliyeed anagoo arintaas ka jawaabayna muujinaynana dareenkayaga ku adaan ayaan waxaan soo qaban qaabinay Mudaharaadkan loogu magic daray  Wixii dhiig lahoow kaca  kasoo dhici doonaa Jimacaha 11. 04. Iyo 12ka .04 2004 waa maalinta  jimcah     Friday in front of Kenyan Embassy in London UK, Washington USA, Ottawa Canada, Oslo Norway, Stockholm Sweden, Brussels Belgium. hadii alle idmo.

Hadaba waxaan shacabka Soomaaliyeed  eek u kala nool wadamada  ugu baaqaynaa ineey si kal iyo lab ah uga qeyb qaataan mudaharaadadaas  hadii alle idmo, Maanta xaaladu waxay joogtaa toosoo isku tiirsada oo hadba kiina tag daran taageera Abidkiin.yaan look ala harin arintaan ayaan leenahay shacabka Soomaaliweyn. Maantoo kale macno badan masamaynayo Land  – Land ee xaaladu waxay mareysaa Tolbeelaye yaa Soomaaliya. Sidaa darted waxaa looga baahan yahay shacabka ineey u midiibaan cadawgooda , arimahaanoo kale waa kuwa isu soo dhaweeyea quluubta ummada, oo waatii layiri Hadii labo libaax hilib dhex maro waa ku murantaaye misna waxay heshiiyaan markii halaq u muuqdaaye.

Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa shacabweynaha Soomaaliyeed u kunool Soomaaliya ineey joojiyaan taageerida dhaqaale ee Kenya waxaan oran karaa howlahaan lacagta ku baxaysa waxaa laga soo qaadaa oo soo aruuriya dadka soomaaliyeed ee Qaadka cuna iyagana waxaan ugu baaqaynaa ineey joojiyaan cunista iyo iibsashada qaadka inta xaaladu iska badalayso. Inshalaah.

 

Wixii faahfaahin dheeraada

info@soomaalinimo.com
www.soomaalinimo.com

Kakaca Waawareey

Abukar Awale ( qaad –diid )


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>