Garowe(pp) Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo duurjooga Puntland iyo agasimaha guud ee wasaaradaasi ayaa caawa shir saacado badan socday kula qaatay magalada Garowe Gudoomiyaasha Gobalada iyo kuwo degmooyinka Puntland.
Kulanka ayaa ka dhacay hoolka shirarka Hotelka Newrays waxana diiradda lagu saaray sidii la isaga xog waraysan lahaa baahiyada iyo caqabadaha ka jira Gobaladda Puntland gaar ahaan dhanka deegaanka iyo ilaalinta duurjoogta.
Wasiirka Deegaanka Puntland mudane Guuleed Saalax Barre ayaa marka hore u mahad celiyay dhamaan masuuliyiinta heer gobal ilaa heer degmo wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo arrimaha deegaanka iyo sidii looga hortagi lahaa magaalaynta aan macnaha lahayn iyo waliba dhir jarista.
Mr.Barre ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay sidii wax looga qaban lahaa arrimaha deegaanka wuxuna gudoomiyaasha gobalada iyo kuwo degmooyinka ka codsaday inay wada shaqayn wanaagsani dhexmarto iyaga iyo wasaradda deegaanka si guul loo gaaro.
Gudoomiyaasha Gobaladda ayaa dhankooda balan qaaday inay wasaradda kala shaqayn doonaan joojinta dhuxusha,deegaamaynta aan macnaha badan lahayn,iyo in la sameeyo biyo xireemo si looga faa’iidaysto biyaha ku darsamo baddaha.
Wasaradda deegaanka iyo duurjoogta Puntland ayaa waayadii danbe ku mashquulsanayd sidii loo dardar galin loogu samayn lahaa howlaha wasaradda iyo mashaariicda ay wado oo ka socda dhamaan gobaladda Puntland.
Si kastama shirkan ayaa wuxuu qayb ka ahaa shirwaynihii qaran ee deegaanka Puntland oo maanta ka dhacay magalada Garowe kaasoo diirrada lagu saaray cilmi baaris iyo xog isdhaafsi ku saabsan deegaanka lana filayo in laga soo saaro war bixin dhamaystiran.
Xigasho:Puntlandtoday.com