Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kulan looga hadalyey xaalada Gobolka Mudug oo uu ka qaybgalay Madaxweynaha Pl oo Gaalkacyo lagu qabtay “Sawiro+Cod”

$
0
0

Gaalkacyo (PP) Dood cilmiyeed ay soo qaban qaabiyay hay’adda cilmi baarista Puntland ”PDRC” looga hadalyey xaalada Guud ee Gobolka Mudug Gaar ahaan tan magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu qabtay Hoolka shirarka Hotelka Unlaaye Waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Puntland xubno ka tirsan labada gole ee Dowlada Puntland Maamulka Gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo Nabadoono,Haween,dhalinyaro,Culumo,Ganacsato,Abwaano,Dhatiir iyo Qaybo kale duwan ee bulshada.

IMG_4122IMG_4123IMG_4158

Kulanka waxaa si doqo dheer looga hadlay Arimaha kale duwan ee Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo sida Dhismaha Gole Deegaan ee Gaalkacyo yeelato,Amaanka,Waxbarshada,Caafimaadka iyo Arimo muhiin  u ah Gobolka Mudug.

IMG_4207IMG_4162
Dadkii ka qaybglay dhamaan kulan waxaa ay ka hadleen fikirkooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo hormar usamaynkaro waxaa qaarkood dadka qaybgalay kulan wajiyadooda laga dheehankaray sida ugu xun yihin dilkii dhowaan Garoonka diyaarada loogu geystay labadii sargaal ee ka shaqan jiray Qarmada Midoobay .

IMG_4169IMG_4244
Madaxweynaha Dowlada Puntland Proff C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa shacabka Gobolka Mudug gaar ahaan Kuwa Magaalada Gaalkacyo usheegay in Magaalada uu uyimid safarkii uu ku marayey guud ahaan Puntland ismarkaasi uu mashaariic hormarineed uu ka dhagax dhigidoono.

IMG_4260 IMG_4264
Proff C/wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa sidoo kale ugu jawaabay ka qaybgalayaasha Kulan su’aalo badan oo ay weydiiyeen iyo fikiradaha kale ee ay qabeen.

IMG_4264

Halkan ka dhagayso Codka Madaxweynaha

_________

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>