Gaalkacyo (PP) Waxaa Magalaada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug laga Daah Furay Barnaamiyo Waxbarshada sare Ee Pan Africa e Networ Projecta oo Dowlada India ka Hergalisay 53 dal Oo African ah iyadoona barnaamijkaani Dalka Soomaaliya laga bilaabay sanadii 2009 .
Barnaamikaano dowlada india a ay ugu tala shahay dalal ku yaala qaaraada Africa ayaa waxaa dalka soomaaliya ka marti galiya jaamacada Puntland Universtay of secaiand Oo Faracyo kala duwan ku leh deegaanada Puntland.
Musaanada lagu daahfuriyaya barnaamikaasi ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka wasaarada waxbarashada Puntland Maamulka Jaamacada aqoonyaanao ardayada horay ugu qalin jabisay jaamacad Puntland Universtay iyo marti sharaf lagu casuumay Madasha ayaa waxaa lagu soo bandhigaya wax qabadka Barnaamijkaani maanta mar kale laga daah furay iyadoona ay si aad ah u soo dhaweyeen dadkii ka soo qeyb galay Madax Dalka soomaaliya ee Barnaamijka Pan Africa e Networ Projecta kana tirsan
Madaxda Jaamacada mudane Isaaq ayaa ka waramay faa’idada barnaamijkaani wuxuuna sheegay in ay aad ugu mahad celinayaan Safiirada Soomaaliya u qaabilsan Dalka India Marwo Ebyan Oo Kaalin weyn ah ka qaatay sidii jaamacada Puntland Universtay of secaian ay u fulin laheyd Barnaamijkaani.
Mid ka mid ah arayadii horay ugu qalainjabisay kana mid ah Prof reer Galkacyo mudane cowsey ayaa iftiimiyaya waxa uu ka fahmay Pan Africa e Networ Projecta isagoona xusay in intii uu ku guda jira waxbarashada uu wax badan ka faaideystay Wuxuuna ugu baaqay dhalanyarada Reer Puntland in ay ka faaideystaan Fursadaan ay soo bandhigtay Jaamacada Puntland Universtay of secaian.
Ugu dambeyntii wasiirka wasaarada waxbaeshada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa si rasmi ah u daah furay barnaamijkaani isagoona dhinac kale sheegay in wasaaradiisa ay xooga sari doont sidii loo tayeen lahaan waxbarashada ka jirta deeganada Puntlad Wuxuuna ku amaanay madaxda Jaamacada Puntland Universtay of secaian sida ay u soo saaraan arday Fara Badan Oo Xilligaani ka shaqeysa deegaanada Puntland wuxuuna ku dhiira galiyaya maamulka jaamacada in ay ku soo daraan kuliayaha ay dhigaan barista Shidaalka wax soo saarka qeyraadka badda ee soomaaliya iyo arimo kale.
——————–
Xafiiska Wararka Gaalkacyo
Puntlandpost