Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne Xasan “UK waxaan uga mahadcelineynaa ahmiyadda ay siinayaan Somalia”

$
0
0

Mogadishu, 15 April 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Afrika ee Dowladda UK oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho. Madaxweynaha ayaa yiri “UK waxaan uga mahadcelinaynaa ahmiyadda ay siinayaan Somalia.”

IMG_7113Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Garsoorka & Dastuurka, Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha & Federaalka iyo Amniga. Kulankan ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Somalia iyo UK, arrimaha amniga, xasilinta, iyo qorshaha fog ee 2016 oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud sheegay inay Dowladda ka go’antahay in doorashooyin xor ah la qabto sanadka 2016.

Madaxweynaha ayaa yiri “ Dowladda UK waxey hormuud ka tahay dadaalka beesha caalamka oo ay ku doonayaan in Somalia ay xasilanto, isla markaana ay ku taageeraan qorsheyaasha dowladda. Dowladda UK waxey labadii sano ee la soo dhaafay qabteen shir caalami ah oo Somalia looga hadlayo oo ujeedadoodu aheyd in caalamka loo soo jeediyo Somalia oo keenay in beesha caalamka ay sidoo kale qabtaan shirar kale sida kii Yokohama iyo Brussels.”

Madaxweynaha ayaa warbixin kooban siiyey Wasiirka UK oo uu yiri “Dowladda Somalia waxay mudnaan siisay arraha amniga, xasilinta, dib u eegista dastuurka, dhaqangelinta federaalka iyo dimoqraadiyeynta dalka oo aan hiigsaneyno in doorashooyin ka dhacaan dalka 2016. Waxaa si fiican u socda howlgalada ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM ay Al-Shabaab uga saarayaan goobaha ay ku hareen oo ujeedadu tahay in Al-Shabaab laga sifeeyo dalka si shacabka Soomaaliyeed loo siiyo fursad ay aayahooda uga tashadaan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri “Dowladda UK waxaan ka sugeynaa inay qorshaha xasilinta dalka ay kaalin firfircoon ka qaataan, si Dowladda Soomaaliyeed ay goobaha la xorreeyey u gaarsiiso gurmad deg-deg ah, loo sameeyo maamulo KMG, la dhiso hay’adihii amniga, garsoorka iyo maamuladii degmooyinka. Sidoo kale qorshaha xasilinta ayaa waxaa ka mid ah in shacabka Soomaaliyeed la dhexdhigo dib u heshiisiin waarta, isla markaana ay qeyb ka qaataan dimoqraadiyeynta dalka.”

Wasiirka Afrika ee UK, Mark Simmons oo ka qeybgalay xaflad uu shacabka kula hadlayey ayaa sheegay inay dowladda UK ka go’antahay inay taageerto Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si ay dalka u gaarsiiso doorashooyin 2016. Waxuuna ballanqaada inay Dowladda UK taageereyso ciidanka Soomaaliya sida XDS iyo booliska, isla markaana ay dooneyso in horumarka ballaaran ee laga sameeyo amniga iyo xasilinta ay noqdaan kuwa sii socda oo kooxaha argagaxisada loo diido fursad ay dhib ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Isha Warka: Xafiiska Madaxweynaha DF


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>