Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Degmada Taleex oo gacanta u gashay Somaliland iyo Barakac ka socda Taleex

$
0
0

Garowe(pp) Ciidamo ka socda mamulka Somaliland ayaa maanta galankii danbe gacanta ku dhigay degmada Taleex oo ka tirsan Gobalka Sool.

00001 (1)Ciidanka la wareegay Taleex ayaa magalada kasoo galay labo jiho kuwaasoo markii danbe toos usoo galay magalada waxayna kala kulmeen dad caraysan kuwaasoo ay markii danbe rasaas ku kala cayriyeen.

Wariye ku sugan Taleex ayaa Puntlandpost u xaqiijiyay ciidanku inay soo dhaafaan ciidan kale oo Taleex ku sugnaa oo markii ay maqleen duulaanka Somaliland ka hortagay hase yeeshee dagaalka dhexmaray lama yaqaan waxa ka dhashay sida uu yahay.

Maalmihii ugu danbeeyay ciidanka Somaliland ka socda ayaa isku sii fidiyay deegaano ka tirsan Degmada Taleex taasoo markii danbe u suura galisay inay guud ahaanba la wareegaan degmada Taleex.

Shacabka Taleex ayaa muujiyay inay ka xun yihiin tilaabadaan ay Somaliland ku qabsatay degmada Taleex oo la sheegayo in laga qaban qaabiyay shirkii Saddaxaad ee mamulka la magac baxay Khaatumo oo labo ka mid ah madaxwaynayaashoodii ay xilal wasiiro ka helleen xukumadda Dr.Gaas.

Xaalada Taleex ayaa kacsan waxana magalada Garowe laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq arrintaasi ku aadan.

Dowladda Puntland wali kama aysan hadlin falkaan balse warar soo gaaraya Puntlandpost ayaa sheegaya wasiirka warfaafinta inuu arintaasi ka hadlo.

Dhowaan ayay ahayd markii socdaal qarsoodi ah uu magalada Laasqoray ku tagay madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>