Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

” Waan soo dhoweynaynaa Wadahadalka Cali Khaliif Galaydh” Wasiir ka tirsan Maamulka Siilaanyo.

$
0
0

Xuseen Axmed Cabdulle oo ah Wasiirka kheyraadka iyo Biyaha Maamulka Somaliland ayaa saxaafada u sheegay in ay soo dhoweynayaan wadahadal la sheegay in uu u farmayo siyaasiga Cali Khaliif Galaydh iyo maamulka Somaliland.

Cali Khaliif Galaydh

Cali Khaliif Galaydh

Hadalka Wasiirkan ayaa imaanaya kaddib markii shir hoose Cali Khaliif magaalada jigjiga uu kula yeeshay Siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland, lamana shaacin arrimaha rasmiga ah ee ay jigjiga uga wada hadleen.

Daawo Waraysiga Wasiirka Somaliland

Wasiirka kheyraadka iyo Biyaha Maamulka Somaliland  Xuseen Axmed Cabdulle ayaa Saxaafada si toos ah uga sheegay in soo dhoweynayaan Wadahadalka u dhaxeeya iyaga iyo Cali Khaliif Galaydh.

Shacabka beesha uu ka soo jeedo Cali Khaliif Galaydh ayaa ku kala jabnaa mowqifka siyaasadeed Cali Khaliif Galaydh, halka qaar ay aaminsanaayeen inuu doonayo maamul ka madax banaan Puntland iyo Somaliland, halka qaar kalena ay aaminsan yihiin inuu u janjeedho dhanka Somaliland. Waxaase hadda banaanka u soo baxay inuu Cali Khaliif jigjiga wadahadal kula furay Siyaasiyiin Somaliland ah oo u kala dabqaadaya isaga iyo maamulka sare ee Somaliland.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>