Gaalkacyo(pp) Dowladda Puntland ayaa ka hadashay qabsashada Somaliland ee magalada Taleex iyadoona xaalada Taleex caawa la sheegayo inay tahay mid kacsan.
War.saxafadeed kasoo baxay dowladda Puntland ayaa waxaa saxaafada u akhriyay wasiirka warfafinta Cabdiwali Xirsi Indhoguran wuxuna sheegay inay canbaaraynayaan daan-daansiga iyo dhul balaarsiga mamulka uu madaxwaynaha ka yahay Axmed Siilaanyo.
Waxa uu sheegay Indhoguran haddii daris wanaaga la dhowri waayay Puntland inay diyaar u tahay inay dhulkeeda daafacato.
Ciidamo ka socda mamulka Siilaanyo oo labo jiho kasoo galay Taleex ayaa caawa ku hoyana magalada Taleex oo laga soo sheegaya inay caawa xaaladeedu kacsan tahay,iyadoon qoysas badan oo degan halkaasi ay durba bilaabeen inay isaga baxaan Taleex.
Riix halkan si aad codka wasiirka u Dhagaysato
Puntlandpost.com
Xafiiska Gaalkacyo