Gaalkacyo(pp) Galabta madaxtooyada Gaalkacyo waxaa lagu dhaariyay xubnaha cusub ee gollaha deegaanka Gaalkacyo inkastoo labu xubnood ay goobta dhaarinta ka maqnaayeen.
Haweenka ayaa labo kusriga ka helay dowladda hoose ee Gaalkacyo iyadoona ay mudo badan u Olalaynayeen helitaanka kuraasta mamulka dowladda ilaa heer madaxtooyo.
Madaxwaynaha Puntland ayaa xubnaha la dhaariyay oo 25-gaaraya kula dardaarmay inay waajibkaadka saaran gutaan.
Galab-nimadda Jimcadda ayaa lagu wadaa Gaalkacyo in lagu qabto doorashada duqa iyo ku xigeenkiisa Gaalkacyo,Yacquub Maxmaed Cabdalle oo ka mid ah dadka u tartamaya xilka duqa ayaa Radio Garowe uga waramay dareenkiisa dhaarintii shalay iyo waxyaabaha ay qabanayan.
Halkan ka dhagayso Waraysiga Yacquub ee Radio Garowe
Puntlandpost.com
Xafiiska Gaalkacyo