Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Raiisal Wasaare C/wali Sheikh Axmed Maxamed, oo guull wanaagsan ka soo hooyey Safarkiisii Kismaayo (Warbixin)

$
0
0

C/wali Sheikh Axmed Maxamed oo ah Raiisal Wasaaraha DF ee Soomaaliya ayaa guullo ballaaran ka soo hooyey safarkiisii magaalada Kismaayo, kaddib markii magaalada Kismaayo ay kusoo dhoweeyeen madaxda sar sare ee Jubbaland State iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Raiisal wasaaraha DF ee Soomaaliya, C/weli Sh. Maxamed

Raiisal wasaaraha DF ee Soomaaliya, C/weli Sh. Maxamed

Raiisal wasaaraha ayaa tan iyo intii uu joogay magaalada Kismaayo, wuxuu kallamo wanaasan la yeeshay madaxtooyada Jubbaland oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha Jubbaland iyo Gollaha Wasiirada, Waxgaradka gobolka iyo isagoo shirar hoosaad la galay Oday dhaqameedka ku nool magaalada Kismaayo. Waxaa kale uu tabar usoo xiray Ciidamo cusub oo loo soo xiray tabbabaro , kuwaas oo wax ka sugi doona ammaanka magaalada iyo deegaanada hoos yimaada.

Wuxuu kaloo soo afjaray Raiisal wasaarugu khilaafyo yar yar oo u dhaxeeyey beesha uu ka soo jeedo, Wuxuu kaloo dhameeyey in cafis loo fidiyo maleeshiyaad la jaal ahaa Col. Barre Hiiraale, kuwaas oo horay uga mid ahaan jiray Ciidamadii loo soo tababaray Jubbaland , markii danbena la saftay Barre Hiiraale, kuwaas oo gaarayey illaa 18 askari.

Raiisal wasaaraha iyo madaxda Jubbaland iyo Oday dhaqameedka ayaa go’aamiyey in shir lagu dhammaynayo khilaafyada yar yar ee jira lagu qabto magaalada Kismaayo, si loo mideeyo bulshooyinka ku nool deegaanada Jubbaland, isla markaana maamulku u noqdo  mid xoogan oo u adeega bulshada.

Raiisal Wasaare C/wali Sheikh Axmed Maxamed, ayaa intii uu Kismaayo joogay u dhaqmayey nin  State man ah oo u dhaxeeya bulshada, isagoo u dhaqmamey nin bulshada ka mid ah oo isku meel wax kula cunayey. Dowlada Jubbaland iyo waxgaradka gobolka ayaa usoo jeediyey Raiisal wasaaraha ammaan  aan la soo koobi karin, waxaana lagu qiimeeyey masuul ka damqanaya bulshada isla markaana isku soo jiidaya, halka masuuliyiintii isaga kaga horeeyey booqashada Kismaayo  sanadkii la soo dhaafay sidda Saacid, iyo Xassan Sheekh ay u dhaqmayeen kuwo kala kaxaynayey Bulshada isla markaana raalli ka ahaa in aysan bulshadu aysan marnnaba isku imaan.

Sikastaba, Raiisal wasaare C/wali Sheikh Axmed Maxamed, ayaa guul kaga safraya maalinka Beri ah magaalada Kismaayo,isagoo kusii jeeda deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaminayo.

 Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>