Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Puntland ma waxay u baahantahay hogaamiye mise madaxweyne ??

$
0
0

Hordhac

Culimada ku takhasustay cilmi -nafsiga bulshada, waxay isla meel dhigeen dhamaan , ahmiyada uu u leeyahay hormarka iyo dhisida bulsho hogaamiye dhab ah .

Kama maaranto bulsha kasta oo caalamka ka jirta inay yeelato hogaamiye dhab ah ,kaasoo ku wajaha umadiisa xaga kheyrka iyo guusha kana ilaasha dhibka iyo cadowgaba .

Qeexida hogaaminta iyo hogaamiye :

Sida aan ka wada dheehan karno micnaha kalmada hogaamin waxaa weeye ( kartida ama awooda uu u leeyahay shakhsi saamaynta , dhiirigalinta , awoodsiinta shacabka si ay uga qayb qaataan guusha iyo hormarka ay hiigsanayso umadaasi ).

Hogaamiye : ( waa qof leh awooda hogaamiyenimo saameeyana habdhaqanka umadiisa uu hogaaminayo una jiheeya hadafka la wadaago )

Qeexida maamule : waa maamulida iyo isku xirka qeyb ka mid ah bulshada si loo xaqiiijiyo hadaf.

Madaxweyne walba maahan hogaamiye wanaagsan , balse hogaamiye kasta oo wanaagsan wuxuu noqon karaa madaxweyne wanaagsan .

Astaamaha ama sifooyinka hogaamiyaha dhabta ah :

1. Hogaamiyaha dhabta ah waa mid dareensan ahmiyada xilka uu hayo ,
2. Hogaamiyaha dhabta ah wuxuu diirada saaraa dadka iyo baahidooda , ee shaqada iyo faa’iido ahmiyad weyn uma leh .
3. Awooda hogaamiyaha waxay ka timaadaa haybadiisa iyo saamaynta uu ku yeeshay bulshadiisa ee kuma timaado magac iyo jako iyo maamul uu qabtay sida tan maamulaha.
4. Hogaamiyuhu waa kan awooda inuu xaalad kasta oo adag ku wajaho geesinimo iyo caqli badnaan .
5. Hogaamiyaha dhabta ah wuxuu leeyahay go’aan qaadasho toosan oo saxan .
6. Hogaamiyaha dhabta ah wuxuu leeyahay taageerayaal uu dhiirigaliyo .
7. Hogaamiyaha dhabta ah waa kan la tashta dadka ka dibna ra’yiga wanaagsan qaata .
8. Hogaamiyaha dhabta ah waa mid caadil u ah dadkiisa oo si siman ula dhaqma oo aan soo kala sokeysiisan .
9. Hogaamiyaha dhabta ah wuxuu abaaraa ama la tacaamulaa qalbiga ,caadifada halka maamuluhu uu la tacaamulo madaxa iyo maskaxda .

Hadaba hadii ay kuwaas iyo kuwa kaloo badan ay yihiin sifooyinka lagu yaqaan hogaamiye dhab ah , su’aashu waxay tahay puntland ma u yeelatay nasiib inay hesho hogaamiye dhab ah ?

Su’aasha jawaabteeda waa haa , puntland way yeelatay hogaamiyayaal dhab ah oo taariikhda baal dahab ah ka galay waxaanse tusaale usoo qaadan kan aan u bixiyey ( the father of the nation ) waana halyey marxuum madaxweye c/laahu yuusuf ahmed !

C/laahi yuusuf ahmed wuxuu ahaa hogaamiye dhab ah , oo yeeshay badankood sifooyinka hogaamiye dhab ah hadii aysan ku dhamaynba!!

Hadii aan wax yar ka taabto idina xasuusiyo hogaamiye marxuum c/laahi yusuf waxaa kamid ahaa sifooyinkiisa :

Wuxuu lahaa fikir iyo hadaf dheer oo fog , iyo han sare oo weyn , wuxuu qaatay khataro badan wuxuuna geesinimo iyo go’aan saxan kaga soo gudbay xaalado badan oo adag .

Wuxuu ahaa hogaamiye dadkiisa jecel oo hantay quluubtooda , wuxuu ahaa hogaamiye caadil ah oo aan dadkiisa kala saarin , ma ahayn nin aduun iyo lacag aruursi jecel , awoodiisa waxay ka imaanaysay haybada uu ku yeeshay dadkiisa iyo ixtiraamka uu ka helay .

Wuxuu ahaa nin cadowga umadiisa ku adag aysana laan agtiisa ka jabsan Karin , hadal iyo ficilba leh .

Masoo koobi karo astaamihii hogaamiyihii tagay marxuum c/laahi yuusuf , ee aan u bixiyey aniga iyo dad kale oo badan ( father of the nation ) .

Hadaba shacabka puntland oo mudo badan sugayey isbadel ku dhaca maamulka puntland ayaa moodaa inay niyad jab kala kulmeen isbadalkaasi !! ka dib markii ay arki waayeen himiladii loo sawiray ee quruxda badneed oo ay wada dhowrayeen .

Maalmihii ugu danbeeyey puntland waxaa soo food saartay arimo xasaasi ah , kuwaasoo dhabar jabin iyo dharbaaxo ku noqotay wadajirka isku duubnida shacabka walaalaha ah ee dhul udug , kadib markii maamulka soomali diidka ah uu kusoo xadgudbay dhulkii iyo ciidii puntland Somalia , laakiin nasiib daro dowlada puntland kama aysan bixin jawaab u qalanta ficilkii lagula kacay .

Waxaa kaloo nasiib daro ah in madaxda hada xilka u haysa puntland oo loolanka doorashada kuso galay ( waxaanu ka shaqayn doonaa oo dib usoo celin doonaa wada jirka umada walaalaha ee reer dhul udug ) inay maqraati ka noqdeen falalkaa dhacaya ee socda oo ah in laasqoray iyo taleex oo magaalooyin taariikhi ah ahmiyad strategiyadeedna leh lala wareego !!

Waa yaabe ma waxay sugayaan inta garoowe iyo boosaaso loogu imaanayo !!

Madaxweyne dr. c/weli ma uusan buuxin booskii hogaamiyenimo ee dadkiisa iyo dalkiisa ,

Dadka qaar waxay ku oran dowlada halaga war sugo oo yaan lagu degdegin oo eed dusha loo saarin ! waa sax arinkaasi , laakiin (ninka waxa soo socda aan arkin waxa socda ma ogaan karo )

Hogaamiyu waa inuu ku wejiho xaalad walba oo adag karti iyo geesinimo .

Dad kale ayaa ku oranaya dagaaal iyo colaad yaan la hurin !!!! sax dagaalku faa’iido ma leh , laakiin waxaysan la socon kuwaasi dadkaaga iyo dhulkaaga xabad iyo qori caaradiiis kuma soo celin kartid kumana ilaashan kartid ee waxay u baahantahay siyaasad kale , siyaasadaasna waxaa awoodi kara hogaamiye dhab ah .

Waa inaad dhex gashaa oo dagtaa quluubta bulshadaada , qaabkay wax u fahmaanba aad kula hadashaa ! kuwii lacag iyo maal u baahan aad u gacan furnaataa , kuwii ixtiraam iyo magac rabana aad siisa , waa inaysan lacagtu iyo dhaldhalaalku iyo xilkuba qiimo kula yeelan , ee aad wax walba u adeegsataa sidii aad ugu gaari lahayd yoolkaaga iyo hadafkaaga aad leedahay , waari mayside war iyo taariikh hakaa haraan !!.

Gunaanadka qormadaan aan ugu talagalay dhiiri galin iyo raadin hogaamiye dhab ah oo badbaadsha kuna sima guul umadiisa ,

waxaan leeyahay madaxda dowlada puntland waa inay garwaaqsadaan ahmiyada xilka ay hayaan ayna kasoo baxaan waajibka ka saran dhulka iyo dadkaba , yeysan waxqabadkooda kusoo koobin miisaaniyad dajin iyo booqasho , iyadoo ay muhiiim yihiin labadaasuba khaas ahaan booqashada bulshada iyo ka war qabkoodu , laakiin ay amuuruhu kala mug weynyihiiin !!!!!.
W/Q : DR . Abdirahman Adam Ibrahim Gambool.

Dhaka . Bangldesh .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>