Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo oo galabta dooranaya gudoomiye iyo ku xigeen.

$
0
0

Gaalkacyo (PP) Waxaa galabta oo jimcaa lagu wadaa in golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo ay iska dhex doortaan gudoomiyaha golaha iyo ku xigeenkiisa, ka dib markii dhawaan la dhaariyay xubnaha golaha deegaanka oo xulistoodu ay soo socotay todobaadyadii ugu danbeeyay.

 
Doorashada gudoomiyaha golaha deegaanka iyo ku xigeenkiisa oo ay isku soo taageen dhawr murashax ayaa la filayaa inay ka qayb galaan madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali, wasiirka arimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo saraakiil kale oo ka mida golayaasha dawladda.

 

 
Tartamaha ku soo baxa doorashada golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ayaa noqonaya duqa degmada, waxaana uu badali doonaa maayarkii hore ee degmada Axmed Cali Salaad oo soo shaqaynayay sanadihii danbe.

 

 
Xubnaha u tartamaya gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa labadii maalin ee ugu danbeysay waxaa ay wadeen oloole ballaaran oo ay ku baadi goobayaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen doorashada galabta ballansan,  isla markaana ay u kasban lahaayeen codadka xildhibaanada golaha deegaanka, taasoo noqonaysa tii ugu horaysay oo la qabto tan iyo sadex sano ka hor markii uu golihii deegaanka Gaalkacyo kala diray madaxweynihii hore ee PL Dr. Faroole.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>