Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Mamulka Somaliland oo Wariyaal ku xiray magalada Laascaanood

$
0
0

Masuuliyiinta magalada Laascaanood ee mamulka Somaliland ayaa  xabsiga dhigay shan wariye oo ka mid ah kuwo ka shaqeeya Gobalka Sool.

Xariga shantan wariye ayaa timi ka dib markii ay maanta ka qayb galleen shir ka dhacay Laascaanood oo masuuliyiinta Somalilnad ku tilmaameen inuu lidi ku yahay Amniga Somaliland.

Wariye ku sugan Laascaanood ayaa Puntlandtoday u sheegay wariyaashu inay ku xiran yihiin Saldhig ku yaala Galbeedka magalada ayna ilaa iyo hadda gacanta ugu jireen masuuliyiinta Magalada Laascaanood.

Lama yaqaan sababta ay suxufiyiinta ku mutaysteen in la xiro iyagoo ku guda jira shaqadooda maalin laha ah.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa falkaasi ku tilmaamay inuu yahay mid ka hor imaanaya madax banaanida warbaahinta xorta ah ee dalka.

Wargaysa iyo bogga Haatuf ayay Somalinad ka mamnuucday dhulka ay ka taliso,ka dib markii ay u aragtay inay caqabad ku yihiin danahooda siyaasadeed.

Magacyadda Wariyaasha la xiray.

Maxamuud Saleebaan Iidle.
Aadan jaamac Oogle.
Cabdiqani Goox.
Cali Yuusuf Axmen.
iyo C/rashiid Caydiid.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>