Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22944

Bosaso oo laga xusay todobaadka dhir beerista Soomaaliya(sawirro)

$
0
0

Bosaso(pp) Magalada Bosaso xarunta Gobalka Bari maanta waxaa lagu qabtay munaasibad lagu xusayo todobaadka dhir beerista dalka iyadoona ay kasoo qayb galleen munaasibadaasi mamulka Gobalka kan degmada.Hay’adda ADEESO.mamulka 16-ka xaafadood ee magalada.

352Munaasibadda oo ka dhacday aqalka dowladda hoose ayaa waxaa laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo xanbaarsan muhiimadda ay dhirtu aadanaha iyo deegaanka u lee dahay iyo sida looga baahan yahay shacabka magalada Bosaso inay muhiimad siiyaan beerista dhirta.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda ADESO oo la yiraahdo Maxamuud MAxamed Ismaaciil ayaa ugu horauntii ka war bixiyay ahmiyadda kulankan loo qabtay maanta iyo faa’iidooyinka ay dhirtu u lee dahay shacabka,wuxuna tilmaamay inay dhirta ay tahay qayb ka mid ah nolashada dadka sidaasi darteedna loo baahan yahay in la beero.

Cabdi Nuur Galayr oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Bosaso ayaa sheegay magalada Bosaso oo dhirta si wanaagsan loogu beero inay badali karto cilimadda oo ay dadku heli karaan qabow,wuxuna ku dhiirigaliyay gudoomiyaasha xaafadaha inay arrintaasi xooga saaraan.

Dr. Axmed Cilmi oo ah sargaal ka tirsan ha’yada ADESO iyo Khadro Cali (Dhuunga) oo ah gudoomiyah ururka haweenka ee gobalka Bari ayaa dhankood hadalo qiiba badan ka jeediyay munaasabda ,waxaana ay ku booriyeen dadka in qof walbo uu gurigiisa hortiisa uu geed ku beero.

Ugu danbayntii Agaasimaha Arrimaha bulsahda dowladda hoose Bosaso Bashiir Xaashi ayaa tilmaamay inay ammaan u hayaan Hay’adda ADESO oo mashruucaan soo qaban qaabisay.

Qof kasta oo xaflada kasoo qayb galay ayaa la gudoon siiyay geed loogu talo galay in lagu beero guryaha magalada Bosaso ku yaala.

DSC00062 DSC00057 DSC00052 DSC00051 DSC00050 DSC00048 DSC00047 DSC00046 DSC00044 DSC00039 DSC00038 DSC00034 358 357 356 355 354 353 352 351

Cabdinaasir Daacad
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22944

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>