Muqdisho(pp) Mudane ka tirsan baarlamaanka dowladda dhexe ee Somalia ayaa saaka lagu dilay degmada Dharkeenlay ee Gobalka Banaadir.
Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabaa Cabdicasiis Isaaq Mursal wuxuna kusii jeday aqalka baarlamaanka oo uu ka socday kulan xasaasi ah oo miisaaniyadda dalka looga hadlayaya.
Koox hubaysan ayay wararku sheegayaan inay dileen Xildhibaanka oo ka dhigaysa mudanihii labaad oo 48-ka dib Muqdisho maalin cad lagu dilo.
Sarkaal ka tirsan kooxda Alshabab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkii lagu dilay xildhibaanka wuxuna sheegay inuu ahaa mid si guul ah u dhacay.
Mamulka Gobalka iyo laamaha ammaanka wali kama aysan hadlin.balse waxa uu imaanaya xili magalada Muqdisho uu ka socda shir ammaanka dalka looga hadlayo.
Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay dilalka xildhibaanada inuusan dhaawac ku keeni doonin howlaha qaranka loo hayo.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho