Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shir Nabadgalyada looga hadlayo oo magalada Kismaayo lagu qabtay

$
0
0

Kismaayo(pp) Waxgaradka iyo Cuqaasha Gobaladda Jubbooyinka iyo Gaddo ayaa shir nabadgalyada ku saabsan ku qabtay magalada Kismaao xarunta mamulka Jubba.

Danta shirkaasi laga lee yahay ayaa lagu tilmaamay inuu yahay sidii ammaanka looga wada shaqayn lahaa isla markasna waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee shacabku mamulka ugala shaqayn lahaayeen dhanka Amniga.

Wasiiro,iyo xildhibaano ayaa shirkan kasoo qayb galay waxana laga soo jeediyay hadalo saldhig u ah nabadda iyo macaankeeda iyo sida shacabka looga baahan yahay inay amniga uga shaqeeyaan.

Ugaas Cumar Xiireey oo ka mid ah Dubab-dhaqameedkii shirka kasoo qayb galay ayaa muujiyay inaysan caaqibo lahayn ku dhaqanka qabyaadada oo bulshada kala disho,wuxuna codsaday badalkeeda in lagu badalo ka shaqaynta midnimadda umadda Soomaaliyeed.

Shirka ayaa ka danbeeyay ka dib markii magalada Kismaayo maalin sii horaysay lagu dilay Oday waxgarad ah oo magalada si wayn looga yaqaanay.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>