Garoowe : (pp)- Wasaarada Sports-ka Puntland ayaa sheegtey in maalinta Jimcaha ee soo socota magaalada Gaalkacyo uu ka furmi doono tartan kubada cagtaa oo u dhexeeya afar naadi oo kala matali doona, Puntland, Galmudug, Xibin iyo Xeeb iyo Ehlu sunna, kaasi oo ay marti galineyso Dowlada Puntland,loogana gol leeyahay sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradu is dhexgalka bulshada Gobolka ku nool.
Agaasimaha guud ee wasaarada Sportiga Puntland Axmed Xasan Bille ayaa sheegey in wasaaradu Gaalkacyo ka qaban doonto koob ku saabsan is dhexgalka iyo is nabadeynta ummada Soomaaliyeed , noqon doona sida agaasimuhu sheegey mid u dhexeeya Xulal kala matali doona Puntland, Galmudug, Ehlusuna iyo Xibin iyo Xeeb.
Agaasimaha ayaa sheegey in tartankan uu noqonayo markii ugu horeysay oo deegaano ka socda gobolada dhexe ee Somalia ku marti galiso Dowlada Puntland ciyaar kubada cagta, ayaa ku yimid ka dib shirar iyo tashiyo ay wasaarada Sportiga Puntland sameysay.
Axmed Xasan waxa uu sheegey in ka wasaarad ahaan ay diyaariyeen qalabkii loogu talo galey kooxaha ciyaarta ku tartamaya, sida dharkii ciyaartooydu xiran lahaayeen , kabihii iyo agabyo kale ,wuxuuna intaas ku darey Mr Axmed in koox walba war galiyeen .
Agaasimuhu waxa uu carabka ku dhuftey in qorshayaasha sanadka ee Wasaarada Sportigu dhalinyarada ugu talo gashey ay ka mid yihiin marka ay soo dhamaato ciyaartan Galkacyo, qabashada tartanka Cayaaraha Gobolada Puntland oo uu sheegey in ay kasoo qeyb gali doonaan dhamaan Cayaartoyda mataleysa magaca Gobolada Puntland.
Horey Puntland waxay u marti galisey cayaarihii Gobolada Somalia, oo lagu qabtey magaalada Garowe, iyadoona sidoo kale wasaaradu qabaneysay sanad walba tartanka cayaaraha kubada cagta ee Gobolada Puntland.
puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.