Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwayne ku xigeenka PL oo la shiray Hay’adda ILO (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa maanta la shiray madaxa Somalia u qaabilsan Hay’adda ILO PAUL CROOK.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada waxana sidoo kale goob joog ahaa Agaasimaah guud ee madaxtooyadda Dr.Deeq labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin Barnaamijkyadda ay Hay’adda ILO ka wada Punttland.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyadda maanta ayaa lagu sheegay Hay’addu inay Puntland ka wado Barnaamijyo xirfado iyo dhismayaal isagu jira iyo tababaro shaqalaha la siiyo.

Eng.Camay ayaa boggaadiyay Hay’adda shaqalaha aduunka waxyaabaha ay ka wado Puntland oo dadka ay anfac ugu jireen,wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay in lasii xoojiyo tageeradda ay dowladdu siiso.

Madaxa Hay’adda ee Somalia PAUL CROOK ayaa dhankiisa ka mahad celiyay kulanka uu la qaatay madaxwayne ku xigeenka Puntland.

5 4 3 2 1

Puntlandpost.com

Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>