Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xaflad heer sare ah oo maanyta lagu qabtay xarunta Iskuulka Galkacyo Primary and Secondry School ee magaalada Gaalkacyo(Warbixin+Sawirro).

$
0
0

Xaflada QalinJebin Ah Fasalka form 4 Iyo 8-aad Ee Dugsiga Sare Gaalkacyo (Galkacyo Secondry School GSS )  Ayaa Waxa Ay Ka Dhacday hoolka Shirarka Tag Foundation Ee Magaalada Gaalkacyo.

EA+
Xafladdan oo Si Heer Sare Loo Soo Agaasimay Ayaa Waxaa Kasoo Qaybgalay Maamulka Gobolka Mudug, guddoonka Waxbarashada gobolka iyo kan Degmada, Jaamacadaha, Madaxa Dugsiyada Sare Ee Puntland, Shirikadda Isgaarsiinta Golis Telecom, Madaxa Waalidiinta degmada, Maamulka Dugsiga Gaalkacyo, Macalimiin, Arday Iyo marti sharaf Kale.

B+
Ugu Horayntii Waxaa Xafladda Furay Maamulaha Dugsiga Sare Gaalkacyo ( GSS ) Burhaan C/laahi Cumar Waxaana Uu Ku Dheeraaday marxaladihii uu soo maray Iskuulka Iyo Qalin Jebinta Dufcaddii Koowaad Ee ka qalinjebiso Iskuulka Waxaana uu Intaas Ku Daray In Maanta ay Tahay taariikh uso hoyatay Iskuulka gaalkacyo iyo Dhamaan Gobolka.

C+

 
Sidoo Kale Waxaa Ka hadlay gudoonka Waxbarashada gobolka Bashiir Axmed Khalaf Oo Bogaadiyay Kuna tilmaamay Iskuulka Gaalkacyo In uu Qaaday Tilaabo Wax Ku ool Ah Loona baahan Yahay In lagu Daydo Waxaaana masuulkan Uu Ka Digay Qatarta Tahriibta Ay Ku Hayso Kor U Qaadida Tayada Waxbarashada ee ka Jirta Soomaaliya Gaar Ahaan Puntland Taasoo uu Ku Tilmamay In ay Caqabad Ku Tahay horumarka Waxbarashada Ka Jira Deegaanka.

D+

 
Gudoonka Waxbarashada Degmada Xaaji Maxamed Garwayne Oo Hadalka Si Diiran Loogu Soo dhoweeyay Ayaa Hadaladiisa Diirada Ku Saaray kobaca Waxbarashada Ee Ka Jira degmada iyo Kaalinta Ay Ka Qaadatay Dugsiga Dhexe iyo Sare Ee Gaalkacyo ( GSS ) “ Waa Arrin Lagu Farxo In Maanta Aynu Goobjoog Ka Ahaano arday Diyaar U ah In Ay ka Gudbaan Marxaladaha Dhexe Iyo Kan Sare Waana Arrin Aanu Ku Qori Doono Taariikhda Maadaama Iskuulku Uu Ku Guulaystay In Uu Soo Saaro Dufcaddii Koowaad” Sidaa Waxaa yiri Xaaji Garwayne.

 

E
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay Oo Ka Mid ahaa Masuuliyiinta Ka Qaybgalay Qalinjebinta Ayaa Hadalo Dhinacyo Badan Taabanayo Ku Cabiray Waxbarashada Gobolka, Caqabadaha Ku Imaan kara Ardayga Iyo Ahmiyadda Ay Leedahay Waxbarashada Isaga Oo Xusay In Ay Ardaydu Yihiin Jiilka Hogaamin Doono Dalka Iyo Sida Ay Ugu Qabyqaadan Karaan Amniga, Dhaqaalaha iyo Dib U Dhiska Dalka Soomaaliya oo Mudo Badan La Daaladhacayay Dagaalo, Abaaro Iyo Musuq Baahay  Waxa uu Intaasi Ku Daray “ Ardayda Waxaan Leeyahay Xilligan La Joogo Marka Loo Fiiriyo Sanadihii tegay Waad ka Fursad Wanaagsan Tihiin Sababtoo ah Xilli Waxaa Jiray Gaalkacyo Burburki kadib ay adkayd in la helo Kuraasta Quruxda Badan ee Maanta heysataan, Caqabadaha idinka Hor Imaan Kara ee Maalmahaan Danbe Waa tahriibta oo Si Ba’an U Burburay Hanki Waalidiinta Ay ka Lahaayeen Ardayga, Waxaan idin leeyahay Waxaad tihiin Mustaqbalka berri ee hogaamin Doono Wadanka guud Ahaantiis “

 

F+
Madaxa iibka iyo Suuqgaynta Shirikadda isgaarsiinta Golis Telecom  Mudane C/raxmaan C/laahi Dayax Oo Qayb Ka Ahaa Masuliyiinta Kaso Qaybgalay Ayaa Ka Hadlay in Taageero Buuxda Ay la Garab Taagan yihiin Isla Markaana Ay La Mataanaysan Yihiin Waxbarashada Waxaana Xusid Badan In uu ardayda Hortooda Ka balanQaaday In ay Dhowaan Macaamisha Golis Ay Heli Doonaan Baraha Bulshada ee Facebook Iyo Twitter Ay Isticmaali Doonaan Adeeg Bilaash Ah Ardayduna Ay Qayb Ka yihiin Macaamisha heli Doona Adeeggan Cusub Waxaana Intaasi Uu Ku Daray In Dhowaan Shirikaddu ay Soo Kordhin Doonto Adeegyo Cusub.

G+
Waxaa sidoo Kale Hadalo Ka Jeediyay Jaamacadaha East Africa Iyo PSU Oo Ka Mideysnaa In Ardaydu Fursado Waxbarasho Oo Dalka Ay Diyaar Yihiin Albaabada Jaamacadaha Ay U Furan Yihiin Xilli Kasta.
Nabadoon Yaasiin Cabdi Samad Ayaa Soo Xiray Xafladda Waxaana uu Ardaydu Kula Dardarmay in ka Feejignaadaan Qatarta Tahriibta Iyo Qasaaraha Ka Soo Food Saari Karta Dhan Waxbarasho Iyo Dhan Waqtiba, maadaama Ay Ardaydu Mudo Ka Badan Tobaneeyo Sano Waalidkood ay Ku Bixiyeen Qarash Fara Badan.

H+
Xafladda Ayaa kusoo Gebegebowday Sidii Loogu tala Galay Waxaana hoosta Laga Xariiqay In La Xoojiyo Waxbarashada Taasoo Dhamaan Kaso Qabygalayaashu Ay Qireen In Waxbarashadu tahay Baahida Koowaad Ee Aan Nooluhu Ka Maarmi Karin.

H+ J+


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>