Shir jaraa,iid oo ay saaka qabteen Wasiirka Waxbarashada Dowlada Puntland Abdi Faarax (Juxaa) iyo Wasiir ku xigeenka Abdulahi Maxamed Bootaan ayay kaga warbixiyeen kormeer ay ku sameynayeen masuuliyiintani Gobolka Nugaal,waxayna sheegeen in guul uu ugu soo dhamaadey safarkoodii, iyadoo ay ahayd markii ugu horeysay ee Madaxda wasaaradu kormeer ku tagto tuulooyin ku yaal dhulka hawdkaa ee Nugaal.
Wasiirka wasaarada Waxbarashada Cabdi Faarax Juxaa oo ka warbixinayey safarkoodii ayaa sheegey in ay kormeerka ay ka bilaabeen tuulada Birta dheer, Reemanti, Meyla, Laqlaajis, Xasbahale, Godob jiraan, Dhaganle, Eyl, Qarxis iyo tuulada Soona jiif, uuna qaatey muddo 3 cisho, wuxuuna sheegey deegaanadii ay mareen in ay ahaayeen kuwo barwaaqo ka jirto oo roobsadey.
Wasiirka oo ka warbixinayey dhanka waxbarashada goobaha ay booqdeen ayaa sheegey in iskuulada ku yaal ay ahaayeen kuwo dhamaantood shaqeynaya ,balse ay jireen kuwo dhaliilo leh, wuxuuna intaas ku darey in si wanaagsan goob walba looga soo dhaweeyey , ayna ugu tageen waxay ka filayeen iyo wax aysan ka fileyn.
“Waxaa lagu jirraa sanadka dabo-yaaqadiisii Imitixaanaadka, waxaanu dhiiri galineynay Ardeyda si ay isugu diyaariyaan , gaar ahaan kuwo dhigta dugsiga sarre iyo kuwa ka gudbaya dugsiga dhexe ee dhigta fasalada sideedaadka, marka qiimeyn noocaas ah ayaa qeyb ka ahayd howsha guud waxbarashada aanu wadney, annaga oo lasoo kulaney maamulka ka jirra meelaha aanu tagney ” ayuu yiri wasiir Juxaa.
Wasiirku waxa uu sheegey in ay u badnaayeen baahiyaha dadku u sheegayeen baahi guud oo caam ah, iyadoona uu taas bedelkeeda ka codsadey wasiirku dadka ku nool tuulooyinka in ay qeyb ka qaataan horumarinta waxbarashada deegaankooda si looga gudbo caqabadaha ah macalinka mushaarka ha loo kordhiyo iyo kobcinta waxbarashada.
“Meelo dayac gaar ah uu ka jirro waa jiraan oo u baahan gacansiin sida arrinta macalimiinta oo kale waa arrin dhibteedu aad u taagan tahay marka loo eego tirada macalimiinta dowladu kabto waa tiro yar tahay marka loo fiiriyo macalimiinta wadanka wax ka dhiga, laakiin waxaa jirta meelaha qaar laga dhisey iskuulo oo dadka ku nool sidii ay ahayd aysan uga faa,iideysan sida tuulada Meyla oo sanadkii 2000 iskuul laga hirgaliyey haddana aysan jirin qof ka aada ” ayuu yiri wasiirku
Juxaa waxa uu ku canaantey bulshada ku nool degmooyinka ama tuulooyinka qeybtood in aysan u hagar bixin wax barista ubadkooda, kuwaas oo iskuuladii laga dhisey qalabkii iyo agabkii loogu talo galey loo dhameystirey haddana aanan jirin ilmo wax ku barta, taasi oo ku tilmaamey arrin wasaaradu aysan ku farxeyn .
Wasiirka ayaa sidoo kale dhaliil usoo jeediyey Degmada Godob jiraan oo uu sheegey in Dugsi sarre laga hirgaliyey ,balse aysan cidna ka faa,iideysan , iyadoona midaas bedelkeeda tusaale usoo qaatey in ay jiraan meelo iskuuladu u baahan yihiin balaarin iyo dayactir sida tuulada xasbahale oo kale , waxaana uu intaas raacshey in jiraan meelo waxa laga dhisey ay ku filan yihin xilligan.
Mudane Abdi Farax waxa uu hadalkiisa kusoo xirey in baahida jirta xilligaan aysan ahayn mid waxbarashada iyo iskuuladu u istaagayaan, ayna tahay baahi guud oo ay iskuuladaas iyo bulshada ku nool dhulkaasi la qabaan dadka kale ee reer Puntland , islamarkaana uu rajeynayo in laga gudbi doono .
Gabo gabadii Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cabdulahi Maxamed Bootaan oo isna dhankiisa shir saxaafadeedka ka hadley ayaa sheegey in uu amaan iyo bogaadin u jeedinayo bulshada ku nool Degmada Eyl oo uu ku tilmaamey in ay ahaayeen kuwo u heelan waxbarashada , islamarkaana iskuulada ka jirra ay yihiin 16 iskuul oo isugu jirra Hoose/Dhexe/ iyo Sarre.
puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe