Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xasan Shiikh:Kenya Qunsul uma soo magacaaban magalada Kismayo

$
0
0

Muqdisho(pp) Madaxwaynaha dowladda dhexe ee dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku cadeeyay shirkii jaraa’id ee uu shalay ku qabtay magalada Muqdisho inaysan dowladda Kenya wax qunsul ah usoo magacaaban magalada Kismayo.

Hassan Sheikh MohamudKismaayo ayaa waxaa maalin dhawayd gaaray Hillary Kyengo oo lagu sheegay inuu yahay Qunsulka Dowladda Kenya u qaabilsanaan doono arrimaha magalada Kismaayo.

Waxa la shiray masuulkaasi madaxda mamulka Jubba inkastoo aan si rasmiya loo shaacin xilka uu Kenya uga qaban doono Jubba haddana wararka soo baxaya ayaa sheegaya inuu yahay masuulka Kenya ee Kismaayo.

Madaxwaynaha Somalia ayaa sheegay arrintaasi inay baaritaan ku samayn doonaan maadama aysan ilaa iyo hada ka war hayn Qunsulkan Kenya usoo dirsatay Kismaayo.

”Waxaan idin sheegaya dowladda Kenya waxay si rasmi ah noogu sheegtay inaysan qunsul u magacaaban meel ka mid ah Soomaaliya” Xasan Shiikh oo sii hadlaya ayaa yiri”Arrinta muhiimka ah ee la doonayo inad ogaatan waxaa ay tahay dowladda Kenya waxay noo sheegtay inuusan jirin qunsul ay u soo magacowday meel ka mid ah Soomaaliya – aan ka ahayn safiirka ay Soomaaliya u soo magacowday, kaas oo fadhiggiisu yahay Muqdisho”.

Si kastaba arrintu ha noqotee dowladda Kenya iyo mamulka Jubba wali kama hadlin hadalka madaxwaynaha Somalia ee ah in Kenya aysan wax Qunsul ah usoo magacaban magalada Kismaayo.

Puntlandpost.com

Xafiiska Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>