Muqdisho(pp) Madaxwaynaha dowladda dhexe ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa galabta u dhoofay magalada Addis ababa ee xarunta u ah dalka Itoobiya.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wararka soo baxaya way sheegayaan inuu halkaasi kula shiri doono Xoghayaha arrimaha dibadda ee Dalka Maraykanka John Kerry oo maalin ka hor Addis ababa kula shiray wasiiradda arrimaha dibadda dalalka Itoobiya,Uganda iyo Kenya.
Madaxwaynaha Dalka ayaa inta uu jooga Addis ababa waxa uu la shirayaa madaxda dalkaasi oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dhan iyo amniga Somalia sidii looga shaqayn lahaa.
Marka uu soo dhameeyo socdaalka Itoobiya oo labo maalin lagu qiyaasay waxa uu caasumad rasmiya ka helay Boqorka Imaaraadka oo waxa uu kula kulmayaa dalkaasi Imaaraadka.
Lama yaqaan Dowladda Maraykanka arrimaha ay kala hadli doonto madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho