Addis ababa(pp) Madaxwaynaha DF ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo maalinkii shalay gaaray magalada Addis ababa ayaa maanta la kulmay Xoghayaha arrimaha dibada dalka Maraykanka ninka la yiraahdo John Kerry oo safar ku marayay Dalal Africa ka tirsan.
Kulanka ay wada qaateen labadaan masuul ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid horay loosii qorsheeyay inkastoo masuuliyiin DF ka tirsan ay socdaalka Xasan Shiikh ee Itoobiya ay ku tilmaameen inuu yahay mid ku kooban la kulan madaxda Itoobiya oo kaliya.
Balse Xasan Shiikh iyo John Kerry oo shiray ayaa isla soo qaatay arrimo ay ka mid yihiin xaalada Ammaan ee dalka,la-dagalanka Alshabab,iyo suurta galnimadda in 2016- ay Somalia ka dhacdo doorasho dadwayne oo xor ah.
Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka Malaayiinka doolar ku qarash gareeya Soomaalia si wax looga qabto xagga Amniga iyo bini aadannimadda,waxana Kerry uu sheegay inay muhiim tahay sidii loosii qorshayn lahaa doorashada tan xigta oo ah mid dadwaynaha ay madaxdoodu soo doorayaan sida dalka Mayarkanka oo kale.
Ilo-lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya madaxwaynaha DF ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud inuu Dalka Maraykanka ka codsaday sidii wax looga qaban lahaa qalabaynta ciidamo dhowaan Muqdisho tababar ku dhamaystay oo aan ilaa iyo hada wax agab ah haysan.
Xasan Shiikh Maxamuud inta uu joogo magalada Addis ababa waxa uu la shiri doonaa madaxda Dalka Itoobiya oo uu ugu horeeyo Ra’isiil wasaraha Dalkaasi waxana laga wada hadlayaa dhamaynta khilaafyo yar yar oo labada dal soo kala dhexgalay.
Shir Ammaanka Dalalka Geesta Africa looga hadlayay ayaa waxaa Somalia oo dhan uga qayb galay madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali taasoo lagu tilmaamay in madaxda DF iyo Itoobiya uu khilaaf ka dhex taagan yahay.
Madaxwaynaha DF ee Somalia ayaa Itoobiya uga sii gudbi doona dalka Imaaraadka oo caasumad uu ka helay Boqorka hoggaamiya Dalkaasi.
Puntlandpost.com