Garowe(pp) Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Garaash) ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayso dhismaha gollayaasha deegaanka ee degmooyinka Gobalka Mudug oo hadda lagu guulaystaan qaarkood in lasoo dhameeyo.
Gaalkacyo,Jariiban iyo Xarfo ayuu sheegay Axmed Garaash inay guul kusoo dhamaatay ayna ku mashquulsan yihiin inta harsan sidii loo dhamayn lahaa wuxuna tilmmaamay inay qayb ka tahay arrimahaan isbadalka Puntland ka dilaacay iyo sidii nidaamka axsaabta badan loogu gaari lahaa si hufan oo dadku ku wada qanacsan yihiin.
Wasiirku waxa uu sidoo kale saluug ka muujiyay hadalada kasoo baxaya qaar ka mid ah masuuliyiinta mamulka Somaliland ee sheegaya inay la kulmeen madaxwayne Gaas oo Addis ababa shir caalamiya uga qayb galay.
Mamulka Somaliland ayuu ku sheegay inay xoog ku haysato dhul ka tirsan Puntland qaarkood-na mudo sanooyin ah ay xoog ku haystan,wuxuna bidhaamiyay inuusan jirin wax wada hadal ah oo dhexmaraya wasiiro Somaliland ah iyo madaxwaynaha Puntland.
Somaliland iyo Puntland ayuu sheegay inuu dhamaaday wadahadalkii u dhaxeeyay oo ay hadda Puntland diyaar u tahay dhulkeeda inay kusoo ceshato sidii horay-ba looga qabsaday,
Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sheegay magalada Laascaanood in lagu qabsaday xoog Puntland qaabkaasi ay kusoo ceshan doonto.
Hadalka wasiirka Arrimaha gudaha ayaa waxa uu imaanayaa xili ciidamo Somaliland ka socda ay deegaan ka samasyteen deegaanka la yiraahdo Hol-hol oo la rumaysan yahay inuu ku yaalo ceel uu shidaal ka buuxo.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe