Bujumbura: (pp)- Wafti uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa gaaray magaalada Bujumbura ee caasimada dalka Burundi,iyadoona garoonka uu kusoo dhaweeyey Madaxweyne Kuxigeenka koowaad ee dalka Burundi Gervais Rufyikiri.
Ra,iisal wasaaraha ayaa salaan ka qaatey cutubyo ka tirsan ciimada Burundi,iyadoo safarkiisa ay ku wehliyeen xubno ka tirsan golaha xukuumada, xillibaanada iyo la taliyayaal.
Mudane Saacid oo warbaahinta la hadley ayaa sheegey in booqashadan ay qeyb ka tahay socdaalo uu ku marayey dalalka ay ciidamada nabad ilaalintu ka joogaan Somalia sida Jabuuti, Itoobiya, Yugandha, iyo Burundi.
Dhanka kale Ra,iisal wasare Saacid ayaa kulan kula yeeshey xarunta Madaxtooyada Burundi Madaxweyne ku xigeenka Burundi Gervais Rufyikiri oo ay ka wada hadleen ujeedada safarka waftiga DF Somalia u tageen Burundi.
Kulanka labada dhinac ayaa la sheegey in uu saacado kooban uu socdey , iyadoona gabo gabadii Ra,iisal wasaraha iyo Madaxweyne ku xigeenku la hadleen warbaahinta wadankaasi oo ay u sheegeen in kulankoodii is afgarad iyo guul uu kusoo dhamaadey.
Waxaana la filayaa socdaalka Ra,iisal wasaraha in uu noqon doono mid uu kusoo gabo gabeyn doono safarkii uu kusoo marey wadamo dhowr ah oo ciidamo ka joogaan Somalia.
Halkan Ka Daawo Sawiro Dheeraad ah.
Puntlandpost_Bujumbura Burundi
Puntlandpost.pp@gmail.com