Garowe(pp) Waxa lagu wadaa maanta in la bilaabo qiimaynta iyo sahminta garoonka diyaaradaha magalada Garowe ka dib markii ay maalinki shalay xubno ka socda shirkadda qaadatay dhismaha garoonka diyaaradaha magalada Garowe ay magalada soo gaareen.
Kooxdan oo saddex xubnood ka kooban ayaa lagu wadaa inay gudo galaan howlaha loo igmaday si dhaqso loogu bilaabo shaqadda garoonka diyaaraddaha caasumadda Puntland sida uu Radio Garowe u sheegay wasiiru dowlaha duulista hawadda iyo garoomadda.
Garoonka ayaa laga dhigayaa mid caalamiya oo ay kusoo degan karaan diyaaradaha waa wayn ee dunida hormartay laga isticmaalo,waxana dhaqalaha ku baxaya Puntland ugu deeqay dowladda Kuwayt oo saaxiib la ah Dowladda Puntland.
Cabdiqani Geelle Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay dhowaan in la bilaabo doono dhismaha garoonka diyaaradaha magalada Bosaso oo ka mid ah meelaha ugu badan ee dhaqaalaha uu kasoo xaroodo.
Puntlandpost.com