Denmark:(pp)- Magaalada Copenhagen ee Waddanka Denmark ayaa lagu soo gabo gabeeyey shir soconayey 3 bari, ayna marti galisay Dowlada Denmark,islamarkaana noqonaya kulankii 12 aad oo ay isugu yimaadaan kooxda xiriirka la dagaalanka burcad badeeda ee loo yaqaan WG2 Working Group 2
Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galey 37 iyo 17 urur oo ah kuwo heer caalamiya, waxaana intii uu socdey lagu lafo gurey Sharciga Burcad-badeedda Somaliya waxaa uga qeyb galey xubno matalayey Puntland,Somaliland,Galmudug, iyo Dowlada Federaalka Somalia.
Wasiirka arrimaha Dibaddaa ee Waddanka Denmark, Mudane Villy Sovndal oo furey shirka bilowgiisii ayaa u mahad celiyey ka soo qayb galayaashii iyo guddigii qaban-qaabada, iyadoona uu sheegey in uu rajeynayo qodobo muhiim ah oo kasoo baxa.
Waxaana shirka fursad loo siiyey ka soo qaybgalayaashii inay kusoo gudbiyaan guulihii ay soo hooyeen, wixii ka dambeeyey bishii September ee sanadkii 2012, waxaana warbixinadaas goobta laga soo jeediyey ka faa,iideystey 22 dal oo ay Puntland ka mid tahay.
Qaybtii labaad ayaa lagu soo qaatay horumarka Somalidu ka gaartay dhinaca Maxkamadaha iyo Sharciga, iyadoona kooxda xiriirka la dagaallanka Burcad-badeeddu markii ugu horreysay ee taariikhda hal magac iyaga oo ku hadlaya ay soo bandhigeen go’aankii heshiiskii Geeddi Socodka Kamplala ee lagu gaaray Magaalada Addis Abab.
Agaasimaha la dagaalanka Burcad-badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Duceysane) oo u matalayey shirka Puntland ayaa waxa uu dood adag kasoo jeediyey qodob ku saabsan ogolaanshiyaha ciidamada Private-ka ah ee maraakiibta la saaro, arrintaas oo madasha kulanka ururadii fadhiyey ka dalbadey in si cad loo qeexo , iyada oo laga eegayo maraakiibta sharcigu u ogol yahay in ay saarsan karaan ciidamo madaniya.
“Sababta aan sida u leeyahay waxaa weeyey, waxaan marar badan aragnaa Doonyo si sharci darro ah uga kalluumaysanaya Xeebahayaga oo ay saaran yihiin Ilaalo ciidamo Madani ah, oo dhibaato badan ku haya Kalluumaysatadayadii iyo agab kooddiba” ayuu yiri Mudane Ducaysane.
Sidoo kale Qodobada shirka looga doodey intii uu socdey ayaa waxaa ka mid ahaa .
1. Xariga/Xabsiga – ka hor inta aan la soo wareejin eedaysanayaa burcad-badeedda. 4. Husiinada Maxkamadaynta /Dacwo ku soo oogidda dambiilaha falka Burcad-badeednimada.
2. Caqabadaha Maxkamadaynta/Dacwo ku soo oogidda iyo arrimaha kale oo xagga sharcia,sida
dambiilaha sheegta Da’ yar.
3. Sida loo hubin karo da’ada dhabta oo dambiilaha, inta aan Maxkamad la soo taagiin.
4. Suurto galnimada Ogolaanshaha in Ciidan Madani ah Maraakiibta la saari karro si ay isaga caabbiyaan Burcadda.
Gabo gabadii shirka ayaa waxaa soo xirey Ambassador Thomas Winkler oo hadda loo magacaabay Safiirka Dawladda Denmark u fadhiyi doona Waddanka Ruushka .
Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Copenhagen Denmark.