Kismaayo: (pp)- Guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee magaalada Kismaayo Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka mid ah siyaasiyiinta u tartamaysa madaxtinimada Jubbaland oo laga waraystay TV-ga Somalichanel ayaa ka waramay meesha ay wax u marayaan maamul u samaynta maamulka Jubbaland, isagoo ka jawaabay su’aalo badan oo ay ka mid yihiin khilaafka la sheegay in Jubbaland iyo dowlada Federaalka u dhaxeeyo, waxa ka dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo Puntland , iyo suáalo ku aadan hadii la dooran waayo, haysashada Al-shabaab magaalada Buu´aale oo Caasimada noqon doonta mustaqbalka iyo su´aalo kale oo badan.
Daawo Waraysiga Axmed Madoobe
Axmed Madoobe ayaa sheegay in hadii la doorto uu ku dadaalayo Cadaalada , si qof walba oo deegaanka u dhashay uu si xor uga qayb qaadan lahaa Doorashooyinka soo socda Jubbaland.
Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland, Soomaaliya