Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Mu’asasada Al-Minhaaj Oo Qalab lagu tababaro Maxaabiista ku wareejisay Xabsiga Boosaaso “Sawirro”

$
0
0

Bosaaso(pp)Mu’asada Al -Minhaaj ee dacwada iyo hormarinta ee puntland ayaa ku wareejisay Maamulka gobolka Bari iyo kan jeelka weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari qalab loogu talagalay in lagu sii tababaro maxaabiista in ay xabsiga ku xiran yihiin jeelka Boosaaso

IMG_4205
Qalabka lagu wareejiyay Jeelka weyn ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu ka koobnaa kuwa lagu sameeyo Bulukeetiga lugu dhiso guryahay , Dawaarrada dharka lagu tolo iyo weliba makiinad casiri ah oo lagu jaro al-waaxda

munaasbaad kooban oo lagu wareejinayay qalabkan  oo lagu qabatay gudaha jeelka  Boosaso waxaa ka qaybagalay masuuliyiin uu ka mid ahaa gudoomiye kuxigeenka gobolka bari iyo Taliyaha Jeelka magaalada Boosaaso, iyo Xubno ka socday mu’ asasada qalabkan wareejineysay ee Al -Minhaaj

IMG_4194

Gudoomiyha Mu’asda Al-Minhaaj ee Puntland Ustaad Maxamed Cabdulaahi Cabdule oo goobta ka hadaly ayaa faah fahiyay Qalabka ay maanta ku wareejinaayaaan Maamulka Gobalka iyo Taliyaha jeelka Bosaso, isagoo sheegay in faa’iido balaaran uu u leeyahay qalabkan maxaabiista xukunkooda ku qaadanaya gudaha jeelka.

Gudoomiye Ku xigeen ka Gobalka Bari Axmed Cali Cabdulaahi oo dhankiisa isna hadal ka jeediyay halkaas ayaa bogaadiyay mu’asasada qalabkan bixineysay, isagoo si rasmi ah ugu wareejiyay taliye shire oo ah taliyaha jeelka weyn ee magaalada Boosaaso.

Taliyaha Jeelka Boosaaso  Shire  Siciid Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in ay baahi wayn u qabeen noocaana ah , waxaana uu balan qaadaya in ay uga faa’iidayn doonaan maxaabiista ku xiran jeelka Boosaaso

ma ahan markii ugu horaysay oo qalab noocani ah ay mu’asada Al minhaaj ku wareejiso jeelalka puntland horay sidaan oo kale waxay qalab noocan ah ugu wareejisay jeelka wayn ee Magaalada Garoowe

IMG_4160 IMG_4161 IMG_4162 IMG_4163 IMG_4167 IMG_4168 IMG_4169 IMG_4170 IMG_4171 IMG_4173 IMG_4174 IMG_4175 IMG_4176 IMG_4181 IMG_4182 IMG_4183 IMG_4184 IMG_4186 IMG_4189 IMG_4190 IMG_4191 IMG_4194 IMG_4197 IMG_4204 IMG_4205 IMG_4206 IMG_4208 IMG_4209 IMG_4210 IMG_4211 IMG_4213

Puntlandpost.com

Xafiiska  Boosaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles