Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dhismaha Garoonka diyaaradaha Bosaso oo heer gabo-gabo ku dhow (Sawirro)

$
0
0

Bosaso(pp) Waxaa heer gabo-gabo ah maraya dhismaha garoonka diyaaradaha magalada Bosaso, kaasoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay ka socotay shaqo aad u culus.

Maanta oo Sabti ah ayaa waxaa la sameeyay dahfurka dhigista ranweyga kaasoo ahaa arrinta ugu miisaanka culus ee madaarkan loo dhisayay, waxana munaasibadaasi kooban ka dhex muuqday wasiirka duulista hawada iyo garoomada, mamulka Gobalka Beri, kan degmada, waxgarad iyo ganacsato.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha Bosaso mudane Bashiir Muuse Cabdraxmaan ayaa sheegay dhowaan in lasoo afjari doono guud ahaan shaqada laga hayo garoonkan, waxa kale uu tilmaamay in la bilaabay dhigida daamurka dhabada ay diyaaradaha ku ordayaan, wuxuna shacabka u sheegay inay sidaa ula socdaan dadaalada halka ay marayaan.

Wasiirka Duulista hawada iyo garoomada Puntland mudane Xasan Cadde ayaa sheegay inay guul u tahay shacabka iyo dowladda Puntland inuu dhammaad ku dhow yahay garoonka caalamiga ah ee Bosaso, isagoona tilmaamay inay tani qayb ka tahay tilaabooyinka wanaagsan ee Puntland gaartay.

Dhowaan waxaa lagu wadaa in la bilaabayo dhismaha garoonka diyaaradaha Caasumadda Garowe iyo dhismaha Jaamacadda Maakhir ee magalada Baran.

Dowladdii hore ee Cabdiraxmaan Farole ayaa dadaal u gashay sidii Puntland looga hirgalin lahaa garoomo diyaaradeed oo caalami ah.
garoon-1

garoon-2

garoon-3

garoon-4

garoon-5

garoon-6

garoon-7

garoon-8
Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>