Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hay’adda PAK oo la wareegtay qaybta Hooyada iyo dhalaanka Isbitaalka Kismaayo (Daawo)

$
0
0

isbitaalkii-Kismaayo1Kismaayo(pp) Hay’adda la yiraahdo PAK ayaa la wareegtay qaybta hooyadda iyo dhalaanka Isbitaalka magalada Kismaayo, ka dib munaasibad shalay lagu qabtay magalada Kismaayo oo lagu daahfurayay labo mashruuc.

Labadaan mashruuc ayaa kala ah in PAK oo dalka JAPAN laga lee yahay ay mamulkeeda la wareegayso qaybta hooyada iyo dhalaanka iyo in 30-Haween ah u tababarto Umulisanimo si kor loogu qaado aqoonta caafimaad ee haweenka ka shaqeeya arrimahaasi.

Munaasibadda waxaa kasoo qayb galay madaxwayne ku xigeenka labaad ee Jubbaland, wasiirka caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya, wasiiradda arrimaha gudaha iyo caafimaadka Jubbaland Safiirka JAPAN ee Soomaaliya iyo saraakiil ka socday Hay’adda PAK.

Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland Cabdiqadir Xaaji Maxamud Lugadheere ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Isbitaalka guud ee magalada Kismaayo wax laga qabanayo xaaladiisa maadama baahiyo badan ay kasoo yeeraysa labadii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kale Luga-dheera ayaa ku dhawaaqay inay daah furan yihiin labadaasi mashruuc oo ay hay’adda PAK ka bilaabayso isbitaalka.

Wasiirka Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed oo ka mid ahayd masuuliyiintii munaasibadda ka hadlay ayaa sheegtay inay ka go’an tahay wasaradeeda sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha caafimaad ee gobalada dalka kasooa yeeraya, sidoo kale waxay sheegtay mashruucyadaan lagu daahfuray magalada Kismaayo inay ka qayb qaadanayaan isbitaalka iyo shaqooyinka wasaradda Caafimaadku ay dalka ka wado.

Isbitaalka guud ee magalada Kismaayo ayaa ah goobihii ay dagaalada sokeeye ee dalka ka dhacay saameeyeen qaar ka mid ah ayaa bur bur soo gaaray, balse hadda waxaa muuqata in loosoo jeestay sidii wax looga qaban lahaa xaaladiisa.

Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>