Muqdisho-(PP)-Waxaa maanta si rasmi ah ugu furmay magaalada Muqdisho shirweynaha qaran ee horumarinta saxaafadda Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galeen wasiirrada warfaafinta dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada .
Shirka waxaa furay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo sheegay in ujeeddada ay tahay in ay fursad isu helaan wasaaradaha warfaafinta dowladda dhexe iyo dhiggooda dowladaha xubnaha ka ah, si ay isaga kaashadaan xaaladda warbaahinta dalka iyo sida loo horumarin karo.
Muhiimadda kuanka ayaa waxaa kaloo ka mida in warbaahinta madaxa bannaan fursad isu hesho si ay u sameystaan siyaasad la xiriirta habka ay bulshada soomaaliyeed farriin sax ah u gaarsiin lahaayeen iyo in fursad loo helo hay’adaha taageera saxaafadda gudaha, si ay u ogaadaan baahida dhabta ah ee ay qabaan warbaahinta Soomaaliyeed, lana nidaamiyo caawimaadda laga helo.
Wasiirrada warfaafinta ee dowlad-goboleedyada Jubaland,Koofur Galbeed, Galmudug iyo afhayeenka madaxtooyada Puntland oo ka wakiil ah wasiirka warfaafinta maamulkaasi oo dhammaantood ka hadlay madasha ayaa soo dhoweeyay qabsoomidda shirkan,iyagoo dowladda federaalkana ugu mahadceliyay qabanqaabadiisa,waxayna si wada jira u ballan qaadeen inay taageerayaan wixii ka soo baxa kulankan.
Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah,waxaa ka qeyb galaya wakiillo ka socda qeybaha kala duwan ee warbaahinta madaxa bannnaan iyo hay’adaha warbaahinta taageera ee ka howl gala Soomaaliya,waana kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee la qabto.
Sooyaal;PP