Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Somalia oo kormeeray xarumo ku yaala Kismaayo (Daawo)

$
0
0

Kismaayo(pp) Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed oo shalay soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa maanta kormeeray xeryaha ciidamada ee nawaaxiga magaalada Kismaayo.

Taliyaha oo ay kormeerka ku weheliyeen saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa tegay xarumo ay kamid yihiin dugsigii hore ee ciidamada cirka Soomaaliya ee Akadeemiya oo hadda saldhig u ah ciidamo katirsan daraawiishata Jubbaland, sidoo kale wuxuu kormeeray dugsigii 43-aad ee ciidamada xoogga dalka oo hadda saldhig u ah ciidamada isku dhafka ah.

Taliyaha ayaa intii uu ku jiray kormeerka wuxuu u kuur gelaayey xaaladda dhabta ah ee ay ku nool ciidamada, isaga oo mid mid u waraysanaayey askarta.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>