Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22940

Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Hey’adaha Qaramada Midoobay Kala Hadlay Arrimaha Roobabka Dabeylaha Wata Ee La Saadaaliyay “Sawirro”

$
0
0

Kulankani Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cuamr Carte Qaalib uu la qaatay mas’uuliyiinta hay’addaha qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha bini’aadanimada ayaa looga hadlayay dar-gar galinta ka hortaga dhibaatooyinka ka dhalan kara roobabka dabalayha wata ee la saadaaliyey iyo sidii hay’adaha Qaramadda midoobay ay gacan kaga gaysan lahayeen dadaaladda ay wado dowladda Soomaaliya ee ku aadan sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka ka dhalan karaa roobkaasi Elnino.

Kulanka ayaa waxaa Ra’isul wasaare ku xigeenka ku wehliyey guddiga heerka qaran ee xukuumadda u xilsaartay ka hortaga dhibaatooyinka ka dhalan kara roobabka dabeylaha wata kaasi oo saameynta ugu badan laga yaabo in ay ku yeelato dadka degan deegaanada ku teetsan xeebaha iyo kuwa ay maraan wabiyadda juba iyo shabeelle .

Guddiga heerka qaranka ee u xilsaaran roobabka dabeylaha wata ee la saadaaliyay ayaa kulanka warbixin looga dhageystay oo ku aadan halka ay mareyso diyaar garowga dowladda Soomaaliya ay wado ee la xiriira roobabka dabeylaha wato, iyagoo xusay in xiligaan qaybo ka mid ah Soomaaliya ay ka Curteen Soomaaliya roobka deyrta ah kuwaasi oo dhibaayooyin u geystay dadka beeralayda iyo xoolaha dhaaqatada ah.

Wakiiladda hay’adaha qaramada midoobay ee dhinaca gargaarka ayaa balan qaaday in kaalinta kaga aadan ay ka qaadanayaan ka hortaga dhibaayooyinka ka dhalan kara Elnino .

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cuamr Carte oo kulanka ka jeediyey hadal kooban ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay gudi heer qaran ah u magacowday kaasi oo shaqadiisu tahay in ay isku xireen hay’addaha heer fedraal, maamul goboleedyadda iyo kuwa gargaarka ee isugu jira heer calami iyo kuwa gudaha,waxaa uuna intaa ku daray in hay’adaha bini’aadanimada ka shaqeeya looga bahan yahay waxqabad dhab ah dowladuna ay kula xisaabtami doonto.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cuamr Carte ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu magaladda muqdisho kula yeeshay safiirka dowladda china u joogo dalka iyo ku xigenka ergeyga gaarka ah ee qaramadda midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, isagoo kala hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaalada Soomaaliya oo qeyb ka eheyd sida doorasho ay ugu dhici karto dalka 2016-k.,

Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka iyo safiirka china ayaa ka wada hadlay shirka isku xirka dhaqaalaha iyo ganacsiga Africa iyo china kaasi oo lagu qaban doono dalka koofur Africa. Kulanaasi waxaa goob joog ka ahaa wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo safiirkii hore ee dowladda Soomaaliya dalka china.
12226816_870541266400537_991399824_n

12277226_870541193067211_155271346_n

12278011_870541209733876_1928355294_n

12278058_870541263067204_1032338594_n

12285716_870541309733866_367228026_n

12305457_870541326400531_178689153_n

12305811_870541343067196_1726746403_n

12309420_870541273067203_1993834654_n


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22940

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>